Marehan elders meet in Caabudwaaq

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

Marehan elders meet in Caabudwaaq

Post by Adali »

Wararkii Ugu Danbeeyay Magaalada Caabudwaaq oo Go’aamo lasoo Saaray

May 8, 2012 - 3 Jawaabood
Ugaaska iyo Golaha dhaqanka oo maanta go’aamiyay in lasugo amniga Caabudwaaq iyada oo looga dambaynayo maamulkii hore inta laga soo samaynayo mid ay dadku leeyihiin.

Waxaan maanta kulan balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen golaha dhaqanka degmada Caabudwaaq ee Beesha Sade iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay ugu horeeyaan Haweenka degmada, Dhalinyarada, aqoonyahanka, ayaa manta ka dhacay Xarunta mashruuca ee magaalada Caabudwaaq.

Kulankan oo daba socday kulamo horay oga kala dhacay Degmada Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb ayaa gabagabdiisa maanta lagu soo xiray Xarunta maashruuca ee magaaladatan Caabudwaaq.

Waxaan gudoominayay kulankan ugaaska beesha Sade-Bari Ugaas Axmed Bare Cali (Taakooy) waxaana la soo agaasimay Xildhibaan C/rashiid Sh.Siciid oo ka mid ahaa mudanayaan deegaanka u joogay in mudaa xalka gaarida xaalada Caabudwaaq oo ahayd mid murugsan tan iyo waxii ka dambeeyay markii uu degmada ka dhacay dagaal ay isaga hor yimaadeen maamulkii degmada ka soo shaqeynayay mudo kusiman 3 sano iyo ciidamo deegaanka ah 17 Decembar ee sanadkii tagay.

Waxii ka dambeeyay waqtigaasi waxaa murug uu ku yimid maamulkii degmada iyo amni iyo kala dambayntii deegaanka waxaana dib u soo laabtay dinan iyo amaandaro taasi oo keentay in laga fiirsado isla markaana ay muhiim noqotay in ladabo qabto xaalada Deegaanka degmada Caabudwaaq.

Dhinaca kale waxaa madashaasi maanta waxaa lagu dhameeyay khilaaf iyo kala jab ku yimid dhaqankii deegaanka waxii ka dambeeyay maamul la’aantii ka dhalatay iska horimaadkii dhexmaray 17 Decembar ee sanadkii tagay maamulkii degmada iyo ciidamo ka tirsanaa dadka deegaanka.

Qodobada lagu heshiiyay maanta waxaa kamid ah

1: In la soo celiyo amnigii iyo kaladambayntii iyada oo ay hormuud uyihiin howshaasi maamulka oo kaashanaya qaybaha bulshada sida odayaasha iyo haweenka degmada.

2: In la soo dhiso maaamul ay bulshadu leedahay oo ay iska soo dhexdooran doonaan dadka kunool Degmada Caabudwaaq.

3: In inta laga soo dooranayo maamulka ka imaanaya bulshada deegaanka in uu sii shaqeeyo maamulkii hore.
Guud ahaana waxaa qodobadaasi si wada jira u qaatay golaha dhaqanka iyo qaybaha bulshada waxaana sidoo kale aqbalay maamulkii hore in ay si KMG xilka usii hayaan inta laga soo magacaabayo mid ay bulshadu leedahay.

Waxaana ugu dambayn halkaasi ka duceeyay ugaaska beesha Sade-Bari oo sheegay in uu maalinta bari ah usafri doono muqdisho maalmahaan uu uga dib dhacay shirka xamar xaalada murugsan ee deegaanka oisagoo uduceeyay xildhibaan C/wali Sh. Maxamuud oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Dhuusamareeb iyo xildhibaan Xuseen Warsame oo iska kudhaawacmay in uu ALLE bogsiiyo.
Ugaaska Taakooy ayaa yiri waxaa ay hormuud ka ahaayeen xildhibaanada qaybo ay naftoota kuwaayeen sidii ay bushada usamata bixin lahaayeen.

Waxaana la isku raacay midnimo iyo mowaafaqo dhamaan maanta beesha Sade- Bari

C/kariin Axmed Bulxan
ASWJ will continue to act as the local authority in Caabudwaaq whiles a new administration is being build, Guul Reer Caabudwaaq, I know who I will lobby for in the coming elections inshallah.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”