Maydka Haweeney la
gowracan oo lagu arkay
Duleedka Deegaanka
Hoosingoow ee Gobolka
Jubada Hoose
Axad, May 13, 2012 (HOL) — Wararka aynu
ka heleyno deegaanka Hoosingoow ee
gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in
duleedka deegaankaasi maanta lagu arkay
meydka haweeney kamid ahayd dadka
deegaanka taasoo gowracan, waxaana ilaa
imika aan cadeyn sababta ka danbeeysay
dilka haweeneydaasi.
Max'ed sheekh Cabdi oo katirsan saraakiisha
dowladda ee gobolka Jubada Hoose ayaa
warbaahinta u sheegay in haweeneydaasi ay
gurigeeda kala baxeen rag katirsan Al-
shabaab, wuxuuna sheegay in meydkeeda oo
gowracan ay soo dhigeen duleedka
deegaanka Hoosingoow.
"Waxay kamid ahayd dadka Hoosingow ku
nool, qof masaakiin ah oo haysatada 5-
carruur ah oo agoon ah ayay ahayd, waxaa
shalay galab la arkay meydkeeda oo
gowracan, magaalada banaankeeda ayaa
laga soo qaaday meydka oo madaxa ka
go'a," sidaasi waxaa inoo sheegtay Hooyo ay
Deris ahaayeen haweenayda la dilay.
Haweeneyda la gowracay ayaa lagu
magacaabaa Suleeqo sheekh Yuusuf,
waxayna ahayd 35 sano jir, iyadoona ay
kamid ahayd dadka reer Hoosingoow,
waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in
haweeneydaasi loo dilay si naxariis darro
ah.
Dhanka xoogagga Al-shabaab ilaa imika ma
jiro wax war ah oo ku aadan arintaasi oo
kasoo baxay, waxaana arintani ay welwel
iyo walaac ku abuurtay dadka ku dhaqan
deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada
Hoose.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee gobollada
Jubooyinka lagu arko meydka ruux
gowracan, haseyeeshee dilalka ceynkan oo
kale ayaa ah kuwo aalaaba ka dhaca
gobollada Jubooyinka oo ay isku hayaan
xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada
dowladda KMG oo kaashanay kuwa ururka
Raaskaambooni iyo Militariga Kenya.
Alqeada behead woman to avenge the loss of Mogadishu
Moderator: Moderators
-
DarthSomali
- SomaliNetizen

- Posts: 954
- Joined: Thu Mar 15, 2012 1:43 pm
- Location: Secession leads to Peace Let us go Seperate Paths
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 462 Views
-
Last post by Son_of_Somalia
-
- 1 Replies
- 17 Views
-
Last post by Son_of_Somalia
-
- 2 Replies
- 438 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 7 Replies
- 68 Views
-
Last post by wagardhac
-
- 17 Replies
- 1777 Views
-
Last post by Shirib
-
- 0 Replies
- 366 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 3 Replies
- 511 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 15 Replies
- 1714 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 4 Replies
- 485 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 0 Replies
- 3106 Views
-
Last post by dutra1960