Wararka ka Imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa Shegaya in Maanta uu Halkaasi gaaray Cali Khaliif Galayr oo ka Tirsan Masuulyiinta Maamulka Khatumo State.
Cali Khaliif ka soo degay garoonka Muqdisho, waxa halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan DKMG ah, iyo maamulka Khaatumo oo horrey u joogay Muqdisho.
Cali Khaliif iyo xubno la socday oo ka soo duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa waxa markii ay diyaarada ka soo degayn, ay gacan qaadeyn boqolaal qof oo watay calanka Khaatumo State, waxana markii dambe loo sii galbiyay Hottel Amasator oo ku yaala KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo la filaayo in uu kula hadlo Saxaafadda.
Cali waxa uu horey u soo noqday ra’iisal wasaare dowladii Cabdi Qaasim Salaad Xasan 2000,
Sidoo kale Cali Khaliif oo ah siyaasi rugcadaa ah, waxa uu ka mid yahay shaqshiyaad la dhacsan taageero xooggan ku bixiyay in la sameeyo maamulka Khaatumo State oo dhowr bil ka hor laga sameeyay degmada Taleex ee gobolka Sool
