Akhristow ninkaan carabka ah markuu fiiriyey gaarigeeyga ayuu hal mar la soo boodey ”Xabiibi…..”.
Intaan naxay ayaan dib u booday; gaariga ayaan si xoog leh saliid u siiyey. Waxaan soo xasuustay sheeko hadda ka hore la ii sheegay; nin reer Buuhoodle ah ayaa loo sheegey in aduunka aay joogaan dad rag ah oo isu tago. Markaasu la soo boodey ”tol beelay, ma hadda ayaay waxaasi keenen, waa aduunyo gudoon, wax la noolaado ma aha” asaga oo warankiisa isku dooxaayo.
Anigoo xanaaqsan ayaan la kulmay nin wadaad ah oo Soomali; salaan iyo wareeysi kadib ayuu yiri; Lamagoodle maanta maxaad la careeysantahay? Waxaan u sheegey in maanta ni carab ah igu yiri ”Xabiibi” anigoo ku daray; war nacaska inaan ku janno tago ayaan ku sigtay.
Intuu i waanin lahaa ayuu la soo booday ” akhi shahwad” baa ku haaysa ee is deji!
Ballo! Ka darro dibi dhal; anigu waxaan shahwad/shaawo u aqaana manida!
Markaasan ku iri war sheeqow adiga iyo carabta waad af xuntihiin; Maxaa idinku dhacay Katolikana ma tihiine?
Akhristow, kelmada “Xabiibi” waagu geyiga soomaliyeed nabad ah waxaa loo isticmaali jirey shukaansiga naagaha.
Reer koraadka waxaay shukaansiga u yaqaanan ”xodxodosho” ama ” dhallinyareeys”..
Inta aaysan soomaaliga dibada ku soo badnaanin waxaay caadadu ahayd in ragga reer magaalka ah, yacni beeysaaniga ah, isticmaalaan kalmadaha ”xabiib” (carabiga) ”amoore” (talyaani), ”my loof” Ingiriis si aay qalbi nugeeyl ugu helaan ileen naagaha waay iska qalbi jilicsanyihiine

Reer baadiyaha, reer koraadka iwm waxaay isticmaalaan ”naayaa” ”islaan yaahay” iwm ileen waay af adag yihiine.
Waxaan idin weydiyey dadkiina afka carabta yaqaana; xabiibi ragga ma is dhehaa? Kelmad ”shahwad” bal ka warama iyada?