15 May remembrance day in Beled-Xaawo + youth discussion

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Boqoleh
Posts: 19
Joined: Mon May 14, 2012 5:19 pm

15 May remembrance day in Beled-Xaawo + youth discussion

Post by Boqoleh »


Xaflad lagu xusayey maalinta dhallinyaradda Soomaaliyeed ee 15 May islamarkaana looga doodayey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed uga banaan nabada iyo dib u hishiisiinta dalka ay colaada la degtay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baled-xaawo ee gobolka Gedo.

Hay’adda samafalka ee SEDHURO iyo Shabakadda Warbaahineed ee Kismaayo24.com ayaa soo qaban-qaabiyey doodan, waxaana halkaasi lagu soo bandhiyayey khudbado iyo talooyin ay dhalinyarada ku muujinayeen sida ay diyaar ugu yihiin ka qeybqaadashada nabada iyo dib u hishiisiinta dadka soo soomaliyeed gaar ahaan gobolka Gedo oo ka mid ah meelaha ugu colaada badan dalka Soomaaliya.

Abdiqani oo ka mid ah madaxda Hay’adda Sedhuro xafiiskooda magaalada Baledxaawo ayaa ugu horeyn ka hadlay munaasabadaasi,waxaana uu ku dheeraaday ujeedka kulankan iyo sida loogu baahan yahay in la helo doorka nabada ee dhalinyaradda Soomaaliyeed,isagoona dhinaca kale soo hadal qaaday guulihii ay keeneen 13 -kii dhallinyaro ee aasaasay ururkii gobonimadoonka ee SYL waxaana uu sheegay in si taasi la mid ah maanta dhalinyaradda soomaaliyeed looga fadhiyo inay u istaagaan wax u qabashada dadkooda u cadiban dowlad la’aanta.



” Doodan aan kusoo aadinay maalinta dhallinyaradda Soomaaliyeed ee SYL haddii aan nahay Sedhuro iyo Shabakadda Warbaahineed ee Kismaayo24.com waxaan uga golleenahay waa sidii dhalinyarada hadda joogta wax isaga weydiiyaan inuu maqan yahay doorkii looga fadhiyey ee la midka ahaa dhalinyaradii u istaagnay xoreynta dalkooda oo ay gumeysi ka awood badan heysteen, Bal ma ii sheegi kartaan waxa maanta dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degan Gobolka Gedo u diidan inay nabada u istaagaan. Haddii aan isaga jawaabo aniga waxaan is leeyahay kalsoonidii ayaa idin ka maqan” ayuu yiri Abdiqani oo u balanqaaday dhalinyaradii halkaasi fadhisay inay ka hay’ad ahaan ka caawin doonaan kulamada sidan oo kale ah.

Madaxa caafimaadka ee isbitaalka magaalada Baledxaawo Maxamed Ali Siigaale oo ka mid ahaa madaxdii ka qeybgashay kulankaasi ayaa si weyn usoo dhaweeyey in la sameeyo kulamada dhalinyarada ay uga hadlayaan doorkooda, waxaana uu dhinaca kale usoo jeediyey in dib loo xasuusto maalmaha qiimaha u leh shacabka soomaaliyeed,sida maalinta SYL.

” Ma aqaan sida lagu gaari karo wanaagii iyo taariikhdii ay inoo reebeen dhalinyaradii SYL,sababtoo ah ummad dhan ayey xoriyad ku gaarsiiyeen hadafkoodii gobonimo doonka, laakiin haddana waxaan dhihi karaa waxay ahaayeen dhalinyaro idinka oo kale ah, ku dhashay 9 bilood, sida ay u sameeyeen wanaagaasi ayaa kuweena maanta joogta looga rabaa ” ayuu yiri Maxamed Ali Siigaale oo tusaale usoo qaatay in kaalinta dhalinyarada u banaan ay xitaa tahay dhowrista caafimaadka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in haddii shacabka ay dhibsadaan xaalado caafimaaddaro looga baahan yahay in dhalinyarada la xisaabtamaan raga uu isaga ku jiro.

” Hadda aniga waxaan u shaqeeyaa isbitaalka, waxaa iigu imaan kartaan Isbitaalka idinka oo igala xisaabtami kara howlaha aan u qabano bulshada, haddii ay jiraan tabasho bulshada ka imaaneysa oo ay ku tilmaamayaan inaan kasoo bixi weynay kaalintii caafimaadka,hadde dadkii inoo imaan lahaa oo dhihi lahaa howsha aad heysaan ma ahan mid aan ku qanacsanahay ee bulshadeena si wanaagsan wax ugu qabta ama naga joojiya magaca beenta ah oo aad wadaan, Laakiin haddii taasi imaan weyso la socda shacabka dhibta waa kusii badanayaa” ayuu yiri Mas’uulkaasi ka tirsan madaxda caafimaadka ee magaalada Baled-xaawo oo kulanka dhalinyarada ka qeybgalay.

Abdiraxiin Ahmed Cigaal oo ka mid ah howl-wadeenada Hay’adda HIRDA ayaa isagana ka mid ahaa mas’uuliyiintii kasoo qeybgashay shirkaasi, waxaana uu farxad ku tilmaamay doodaha noocan oo kale ah. Isagoona sheegay in taariikhda Soomaaliya ay ka tirmi doonin doorkii xornimada oo ay hormuud u ahaayeen dhalinyaradii SYL. Waxaa uu sidoo kale ammaan usoo jeediyey doorka wax u qabashada bulshada oo ay wado hay’adda Sedhuro.

” Furaha shacabka soomaaliyeed waxaa gacanta ku haya waa dhalinyarada,haddii aysan dhalinyarada noqon kuwa daacad ah islamarkaana raba inay si dhab ah shacabkooda u caawiyaan, tusaale horumarka ka jira Somaliland iyo Puntland kuma imaan dheeldheel iyo dhalanteed, laakiin waxaa horumar si wanaagsan looga soo shaqeeyey. Si aad kuwaasi ula mid noqotaan dadaal badan ayaa la idin ka rabaa iyo geesinimo dheeri ah. ” ayuu yiri Abdiraxiin Ahmed Cigaal oo ka tirsan hay’adda HIRDA.

Intaasi kadib waxaa bilowday dood toos ah oo dhexmareysay dhamaan ka qeybgalayaashii doodaasi,waxaana hadalka dhalinyaradaasi u qeybinayey Wariye Xasan Xalane, waxaana su’aalaha oo u badnaa sababta loo la’yahay dhalinyaro u kacday xoojinta nabada iyo dib u hishiisiinta ayaa waxaa ay isku raaceen inaysan kasoo wada bixin kaalintoodii.

“Dhalinyarada maanta ma heystaan midnimo iyo hadaf guud oo ku aadan wadaniyada, waxaa taasi badelkeeda ku weyn qaababka qabiilka iyo u kala shaqeynta garabyada isku heysta siyaasada dalka Soomaaliya” ayaa ka mid aheyd dooda qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka dhacday Baledxaawo.



Ali oo ka mid ahaa dhalinyaradaasi ayaa sheegay in aqoonta la’aanta heysata dhalinyarada Soomaaliyeed ay qeyb ka tahay habacsanaanta heysata dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degan gobolka Gedo ee aan heysan ammaan la isku haleyn karo.

” Qofka haddii uusan heysan aqoon dhaxalgal ah oo ka celin karta xumaanta kuna toosin karta wanaaga, waxaa laga fishaa waa inuu qeyb kasii ahaado dhibka jiro. Waxaana ku baaqayaa in dhalinyaradeena aan u istagno aqoonta barashadeeda” ayuu yiri Ali.

Fadumo oo codka gabadhaha Soomaaliyeed ee kulankaasi kasoo qeybgalay ku hadleysay ayaa sheegtay in meesha ay ka maqan tahay isku xirnaan dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degan gobolka Gedo. Waxaana sidoo kale ay hoosta ka xariiqday in dhalinyarada Gedo ay ka fursad yihiin dhalinyarad soomaaliyeed ee degan gobollada Somaliland iyo Puntland, waxaana ay dhaliishaasi dusha uga tuurtay siyaasiyiinta iyo odayaasha gobolka Gedo kuwaasi oo ammaan xumo iyo burbur la garabtaagan.

” Dhalinyaradeena waxaa la degay waa waxgaradkeena oo dib u dhigay horumarka gobolka Gedo. Waxaa kaliya oo ay inoo sameeyaan waa dhibaatada dhalinyarada degan gobolka Gedo, Waxaanse leeyahay haddii aan helno taageero iyo isku duubni qeybaha kale ee bulshadeena waxaan filayaa in horumarku imaan doono.” ayey tiri Fadumo oo dhalinyarada Baledxaawo ka mid ah.



Qurba joogta gobolka Gedo ayaa munaasabadaasi looga soo jeediyey eedeyn ballaaran taasi oo ku aadan inaysan si muuqato wax uga qaban gobolkaasi,marka laga reebo hay’addo dhowr ah iyo shaqsiyaad qurba joog ah qeyb ku leeyihiin wax u qabashada shacabka gobolkaasi degan.

HALKAN KA DHAGEYSO DOODA DHALINYARADA BALEDXAAWO OO DHAMEYSTIRAN:


Gobolka Gedo waxaa uu ka mid yahay gobollada ugu kheyraadka badan Soomaaliya,laakiin waxaa la degay dagaalo sokeeye iyo dirir joogta ah oo ku dhexmarta garabyada isku haya siyaasada Soomaaliya. Hadda waxaa degmooyinka gobolkaasi gacanta ku kala haya kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka Dowlada iyo Ahlusuna oo garabka kale ah.

Doodan oo aheyd midii ugu horeysay oo loo qabto dhalinyarada degan gobolkaasi Gedo ayaa waxaa ay u muuqataa inay tahay mid lagu kobcinayo wacyiga dhalinyarada gobolkaasi degan islamarkaana loogu baraarujinayey sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen nabada gobolkaasi. Waxaa la isku raacay in dhalinyaradaasi u istaagaan danta shacabka Soomaaliyed iyo isku duubnimada dadka,haddii taasi la waayana ay sii badan doonto kala daadsanaanta shacabka Soomaaliyeed.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”