Munaasada maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo laga xuso guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta si weyn looga dareemay magaalada Cabudwaaq oo ka mid ah degmooyinka waa weyn ee gobolka Galgaduud. Waxaana halkaasi isugu yimid ururada haweenka iyo kuwa dhallinyaradda Cabudwaaq.
Hay’adda We Need Peace iyo Shabakada Warbaahinta ee Kismaayo24.com oo munaasabadan soo qabanqaabiyey ayaa sheegay inay muhiim tahay weyneynta maalinta la aasaasay ururkii xornimada gaarsiiyey dalka Soomaaliya. Waxaana mas’uuliyiin u hadlay hay’adda We Need Peace ay tilmaameen muhiimada ay leedahay ka shaqeynta nabada iyo soo nooleynta doorkii dhalinta uga jirtay midnimada iyo nabada Soomaaliya.
Kulanka xuska 15 May oo dood ahaan looga xusay magaalada Cabudwaaq ayaa waxaa hadalka uqeybinayey Wariye Mahad Xasan Diini oo ah wakiilka shabakada Warbaahineed ee Kismaayo24.com uga soo warama gobollada dhexe gaar ahaan magaalada Cabudwaaq. Waxaana uu qof waliba weydiinayey sida uu u arko doorka dhallinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degan gobollada dhexe uga qeybgeli karaan nabad kusoo dabaalida deegaanadaasi.
Guddoomiyaha dallada ay ku mideysan yihiin ururada haweenka magaalada Cabudwaaq oo ugu horeyn halkaasi ka hadashay ayaa soo dhaweysay maalinta 15 May oo ay sheegtay inay tahay mid qiimo badan ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada oo aheyd kuwii aasaasay ururkii SYL ee dhaliyey xornimada Soomaaliya.
“Maanta waa 15 May waxaa ay inoo tahay mid inagu weyn, waxaana ugu hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan xuska maalintaasi.” ayey tiri Guddoomiyaha Dallada Iftin oo ay ku mideysan yihiin haweenka Cabudwaaq.
Dhinaca kale waxay ugu baaqday dhalinyarada Cabudwaaq ee kulankaasi joogtay inay ka qeybgalaan barnaamijyada Nabada ee ka socda degmadaasi,iyaddoo intaasi raacisay inaysan marna aqbaleyn wadada xun ee loo adeegsanayo dhalinyarada.
Goobta kulankaasi ka dhacayey ayaa laga soo jeediyey khudbado u badnaa goobaabinta dhalinyarada Soomaaliyeed,kuwaasi oo inta badan usoo jeedinayey ka qeybqaadashada Nabada iyo dib u hishiisiinta Ummada Soomaaliyeed.
“Qoriga dhiga oo qallinka qaata, Ha noqonina kuwii lagu sii hurinayey nabad la’aanta ka jirta Soomaaliya, Waxaa idin baahan dalkiina” ayaa ka mid ahaa hal ku dhiga kulanka maanta dhalinyarada Cabudwaaq ka yeesheen doorkooda Nabada iyo dib u hishiisiinta, kaasi oo ku soo beegmay maalinta taariikhiga ah ee 15 May.
Shabakada Warbaahineed ee Kismaayo24.com oo idin soo gudbineysa codadka dadkii kulankaasi ka hadlay ayaa waxay idin balanqaadeysaa inay sii wadi doonto barnaamijyadda Nabada iyo Dib u Hishiisiinta ku saabsan ee aan fileyno inay qeyb ka noqon doonaan soo afjarida dowlad la’aanta iyo colaada ummada Soomaaliyeed haysata.
HALKAN KA DHAGEYSO DHALINYARADA CABUDWAAQ IYO KAALINTOODA NABADA:
15 May remembrance day in CAABUDWAAQ+ youth discussion
Moderators: Moderators, Junior Moderators
15 May remembrance day in CAABUDWAAQ+ youth discussion
- Smile-LiKe-SuN-RiSE
- SomaliNet Super
- Posts: 7665
- Joined: Tue Feb 21, 2006 12:52 am
- Location: Jubbaland
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 263 Views
-
Last post by Boqoleh
-
- 7 Replies
- 859 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 4 Replies
- 859 Views
-
Last post by Adali
-
- 8 Replies
- 504 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 17 Replies
- 2530 Views
-
Last post by Nabeela
-
- 1 Replies
- 1063 Views
-
Last post by *SLIM*...THUG
-
- 6 Replies
- 366 Views
-
Last post by Newboy
-
- 16 Replies
- 980 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 1 Replies
- 399 Views
-
Last post by Tensta