
New Delhi(Pi) Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Mohamed Faroole oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo Dalka Hindiya ayaa maanta la kulmaya Raysal wasaaraha Hindiya PM Manmohan Singh kulanka oo ka dhacaya xarunta Dowlada Hindiya ee New delhi, Madaxweyne Faroole wuxuu shalay khudbad dheer oo ku saasan ladagaalanka Burcad badeedka ka jeediyey Aqalka Sapru House oo uu kula hadlayay Goæaha Arimaha dibada u qaabilsan Hindiya,
Madaxweye Faroole wuxuu sheegey inuu had iyo jeer taageero qorsho kasta iyo howlgal kasta oo lagula dagaalamayo Burcad badeedka, wuxuuna hoosta ka xariiqey in Dowlada Puntland ay had iyo jeer kasoo hor jeedo lacagaha Madaxfurashada loo siiyo burcad badeedka.
“I always support the military operations to fight piracy,” Farole told reporters on the sidelines of an event he dressed at the Indian Council for World Affairs (ICWA) at Sapru House in New Delhi.
Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo sheege in Dowlada Puntland ay garab taagneyd Cidiamada Hindiya xili ay soo badbaadinayeen Dad u dhashay Hindiya oo xoog loogasoo daayay Burcad Badeedka, wuxuu kaloo raaciyey in Dowlada Puntland ay had iyo jeer garab taagan tahay cid walba oo la dagaalamaysa Burcad badeedka wuxuu yiri Dr. Faroole “If they ask for our support on the land, we can assist them,”.
Maanta ayuu Madaxweyne Faroole iyo wafdiga uu hogaaminayo ay la kulmayaan Raysal wasaaraha Hindiya Manmohan Singh, Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Puntland Cabdullahi Ahmed Jamac Ilka Jiir wuxuu isna la kulmayaa dhigiisa Hindiya.
Puntlandi.com kala soco Wararka rasmiga ah ee safarka Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo wafdiga la socda oo uu kamid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdullahi Ilka Jiir.
Puntlandi.com