
Xuska Sannad-guurada 21aad ee Madaxbannaanida Somaliland ee Caasimadda Hargeysa
Last Modified: Fri 18th May,2012
Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo inuu dadweynaha kala hadlo fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa
Hargeysa (Jam)- Xuska sannad-guurada 21aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland oo ku beegan Jimcaha maanta, ayaa la filayaa in si ballaadhan loogu dabbaaldego dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.
Xusas ballaadhan ayaa la sheegay in loo samayn doono sannad-guurada 21aad ee ka soo wareegtay markii 18kii May 1991 magaalada Burco lagaga dhawaaqay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo la filayo in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Jimcaha maanta dadweynaha kala hadlo fagaaraha Beerta Xorriyadda ee caasimadda Hargeysa.
Xuska 18 May ee sannadkan 2012 oo aan dalka gudihiisa laga dareemayn diyaargarow xooggan oo loo sameeyey, ayaa u muuqda mid loo samaynayo dabbaaldegyo ka meeqaam hooseeya kuwii 18 May ee sannadkii hore, balse sida masuuliyiin xukuumadda ka tirsani tilmaameen waxa xuska 21-guurada ee maanta la samayn doonaa dabbaaldegyo ballaadhan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka dhici doona, iyadoo ammaanka magaalooyinka kala duwanna aad loo adkeeyey.
Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisa ayaa la filayaa inay Jimcaha maanta isugu soo baxaan fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn si ay u muujiyaan xuska sannad-guurada 21aad ee ka soo wareegtay dib-u-la soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland iyo halgankii qadhaadha ee naf iyo maalka lahaa ee loo soo galay xorriyadda iyo madaxbannaanida bulshada reer Somaliland maanta ku naaloonayso.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inuu maanta dadweynaha uga warramo qiimaha maalintani ugu fadhido dalka iyo halgankii loo soo galay dib-u-xoraynta Somaliland.
Waxa kaloo la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo uu khudbaddiisa maanta kaga hadlo arrimo badan oo khuseeya xaaladaha kala duwan ee dalka ka jira, dedaalka loogu jiro raadinta aqoonsiga Somaliland iyo shirarka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee beesha caalamku dabada ka riixayo.