mauritius & PL sign an Agreement

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

mauritius & PL sign an Agreement

Post by FBISOMALIA »

Image

Port Louis (RBC) Dowladda Mauritius ayaa Jimcihii shaley heshiis la gaartay Maamulada Somaliland iyo Puntland heshiiskan oo ku aadan siddii loo maxkamadeyn lahaa burcad-badeeda Soomaalida ee weerarada is-dabajooga ah kuhaya gaadid badeedka ganacsiga ukala goosha aduunka oo dhan.

Ra’iisal wasaaraha dalka Jaziirada leh Navinchandra Ramgoolam ayaa sheegay in dalkiisa uu baahan yahay in uu door ka cayaaro, siddii looga guulsan lahaa kooxaha burcad-badeeda Soomaalida kuwaas oo qalqal ku keenay arrimaha nabadgalyada, Kalluumeesiga iyo Dalxiiska.

Wakiilo ka socday Puntland iyo Somaliland oo goob joog ka ahaan heshiiskan oo ka dhacay dalka Mauritius ayaa soo dhaweyay qorshaha, waxa ay ogolaadeyn in dalkaas uu maxkadeeyo uuna xiro kooxaha looga shakisan yahay burcad-badeednimo.

Howshan waxa qeyb ka ah in burcad-badeeda lagu xiro laguna maxkamadeeyo deeganada Puntland iyo Somaliland, waxana lagu wadaa in ay bilaabmaan bisha June ee sanadkan.

Maraakiibta caalamiga ee ka hortaga weerarada kooxaha burcad-badeeda Soomaalida ayaa hadda bilaabay in ay gacanta ugaliyaan maamulada ka dhisan Soomaaliya kooxaha burcad-badeeda Soomaalida, in kastoo nidaamyadii sharciga uusan ka jirin Soomaaliya, sidoo kale waxa laga cabsi qabaa in burcad-badeeda ay raadsadaan magangalyo marka lageeyo dalalka ay maraakiibta dagaal ka joogaan xeebaha Soomaaliya.

Dhowr qof oo looga shakiyay burcad-badeednim oo ay qabteyn maraakiibta dagaalka ayaa la iska siidaayay, markii la waayay dal ama meel lagu xiro ama lagu maxkamadeeyo.

Mauritius waxa ay ka mid tahay dhowr wadan oo ku yaala bariga Africa iyo badweynta India, kuwaas oo loogu tallagalay in lagu maxkadeeyo burcad-badeeda, maxaa yeelay Soomaaliya hadda nidaamkii maxkamadaha kama jiro.

Mauritius waxa dhinaca ammaanka lagu siiyay 3 million euros ($3.82 million) bsihii July taas oo ka timid ururka midowga Yurub waxa loogu tallagalay in lagu maxkadeeyo ama lagu xiro kooxaha looga shakisan yahay burcad-badeeda.

RBC Radio

——————-

Xafiifka Wararka Nairobi
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: mauritius & PL sign an Agreement

Post by FBISOMALIA »

Image

Dowladda Mauritius ayaa shalay oo jimce ahayd shaaca ka qaaday in ay diyaar u tahay in kooxaha Burcad-badeeda ah ee laga soo qabto badaha caalamiga ah ee ku dhow Soomaaliya lagu maxkamadeeyo dalkeeda.

Arintan ayaa ah mid si weyn u caawineysa dadaalka loogu jiro la dagaalanka Burcad-badeeda dhibaatada ku haya isu socodka gaadiidka caalamiga ah ee dhinaca badda.

Jaziiradda Mauritius ayaa dhinaca kale sheegtay in heshiiskan oo bilaabmaya bisha June ay la saxiixatay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo xukuumadaha Puntland iyo Somaliland.

Navinchandra Ramgoolam oo ah Ra’iisul wasaaraha Mauritius ayaa isna sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay kaalin muuqata ku yeelato dadaalka loogu jiro la dagaalanka Burcad-badeeda.

Talaabadaas ayuu tilmaamay inay u qaadayaan maadaama ay Burcad-badeedu saameyn weyn ku yeelatay ammaanka, dalxiiska iyo kaluumaysiga.

Horay ayaa dhowr dal oo u badan kuwa kulaala badweynta India waxay u ogolaadeen in Burcad-badeeda Soomaalida dalalkooda lagu maxkamadeeyo.

Waxaana xusid mudan in Mauritius uu ururka midowga Yurub dhaqaale gaaraya $3.82 oo Milyan uu ku siiyo si Burcad-badeeda dalkaas loogu xiro maxkamadna loogu soo taago.

Horseed Media
User avatar
nomadicwarlord
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5946
Joined: Wed Aug 27, 2008 1:56 am
Location: Ayaan Hirsi's guest room

Re: mauritius & PL sign an Agreement

Post by nomadicwarlord »

Bad news for the coast guards :lol:
User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: mauritius & PL sign an Agreement

Post by tightrope »

nomadicwarlord wrote:Bad news for the coast guards :lol:
HOW IS PL/OIL COMPANIES GOING TO DRILL OFFSHORE OIL AND/OR EXPORT OIL WHEN SOMALI PIRATES ARE HIJACKING OIL TANKERS AND OTHER SHIPS?
THESE PIRATES ARE NOTHING BUT THUGS :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”