Shidaal qodostii laga waday Puntland oo la joojiyay
Muqdisho May 19, 2012(SDN)- Shirkadda Horn Petroleum oo ka mid ah shirkadaha shidaalka qodista ka wada deegannada Puntland ayaa joojisay howlihii ay ka waday dooxda Dharoor.
War lagu qoray wakaaladda warar Reuters ayaa lagu sheegay in shirkadda Horn Petroleum ay joojisay shidaal qodistii ay ka waday dooxda Dharoor ee gobolka Bari kaddib markii raggii ku howlanaa howsha uu qoday 38,00 oo meters, taas oo keentay in wax shidaal ah oo gancsi galaya aan laga heli karin.
Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda khamiistii ayaa sheegtay in shidaal ama gaas ganacsi galaya inaan la heli karin.
Saamiyaddii shirkadda Horn Petroleum ayaa khamiistii aad ugu kacay seyladaha ay ku deedahay Toronto ee dalka Canada.
Shirkadda ayaa sheegtay in shidaalkii laga qodaayay Ceelka Shabeel u wareegtay mid kale oo ku dhow waqooyiga dooxada Dharoor.
Shirkadda ayaa howshan 60% ku leh howsha ay ka wado deegannada Puntland gaar ahaan dooxada Daroor iyo gobolka Nugaal oo ah meelaha hadda shidaalka laga qodaayo.
Shirkada Africa Oil ayaa shidaal qodis ka bilowday deegannada Puntland bishii January ee Sanadkan, waana markii ugu horreysay ee dalka dagaallada ay la dageen bariga Africa ku yaala 20-kii sano ee la soo dhaafay shidaal laga qodo.
Horn Petroleum iyo shirkado kale oo ku wehliya shidaal qodista dooxda Dharoor iyo Nugaal kuwaas oo ay mid yihiin Australia’s Range Resources Ltd iyo Red Emperor oo howasha wada.
Saamiyadda shidaalka Africa ayaa hoos u dhacay 8% taas oo ka dhigan in qiimaha la kala siisto Seyladaha Toronto uu ka gaaray qiimo $6.70.
SDN Muqdisho
Oil not found, exploration ceases
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Oil not found, exploration ceases
In one well they found nothing.
Looks like Monkey of Bastardization had stroke today, he survived it.
Looks like Monkey of Bastardization had stroke today, he survived it.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 690 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 5 Replies
- 289 Views
-
Last post by Madd_Scientist_
-
- 1 Replies
- 219 Views
-
Last post by garoweboy
-
- 22 Replies
- 1436 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 3 Replies
- 462 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 16 Replies
- 948 Views
-
Last post by zingii
-
- 69 Replies
- 2993 Views
-
Last post by Ahmed-Gurey
-
- 0 Replies
- 571 Views
-
Last post by Strategic
-
- 6 Replies
- 1339 Views
-
Last post by sav12600
-
- 18 Replies
- 1030 Views
-
Last post by King-of-Awdal