MINISTER OF PORTS ATTENDS HIGH-LEVEL LONDON CONFERENCE

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

MINISTER OF PORTS ATTENDS HIGH-LEVEL LONDON CONFERENCE

Post by tightrope »

Wasiirka Dekedaha Puntland oo Shir Caalami ah Kaga qeybgalay London+Sawiro
May 20, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster


Wasiirka Wasaaradda Dekedaha , Gaadiidka Badda & ladagaalanka Burcad Badeeda Puntland Eng. Siciid Maxamed Raage iyo Agaasimaha la Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Mudane Abdirizak M. Dirir(Ducaysane) Waxa ay Shir Caalami ah Kaga qeybgaleen Magaalada London ee Xarunta Dalka Ingiriiska.

Shirkan ayaa Waxa soo qaban qaabisay Hay’adda Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa u qaabilsan Baddaha ee loo yaqaan ( INTERNATIONAL MARITIME ORGINAZATION ) Magaceedana Loosoo Gaabiyo (IMO).

Shirkan oo Socday Mudo 4-maalmood ah ayaa Waxaa Kasoo qeybgalay Dhamaan Saxiixayaashii Shirkii Djabouti Code of Conduct ,Kaas oo 29-Bishii Janaury 2009 Lagu asaasay Magaalada Djabouti loogana arinsaday sidii Burcadbadeeda Soomaalida la Dagaalankeeda la isaga kaashan lahaaa.

Mudadii uu Shirku Soconayay ayaa Waxaa Looga Hadlay Mudadii uu Jiray wixii qabsoomay iyo weliba waxyaabaha aan qabsoomin, iyo Sidii hay’adihii hawlahaa loo xilsaaray u hirgeliyeen wixii lagu heshiiyey, iyo heshiiska oo muddo labo sano oo dambe dib loogu cusboonaysiiyey,iyo qodobo ay ka mid yihiin maraakibta hadda loo ogolaaday in ay qaataan Ciidamo ilaaliya Xiliya ay ku safrayaan Xeebaha Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha , Gaaadiidka badda & La dagaalanka burcad badeeda Eng:Siciid Maxamed Raage oo Shirkaasi Khudbad dheer ka jeediyey ayaa Madasha shirka ka Sheegay waxa ay Dowladda Puntland ka qabatay Burcadd badeeda Mudadadii uu xilkaas hayey, Taas oo aad loogu Amaanay Puntalnd horumarka ay ka sammaysay dhinaca la dagaalanka Burcad badeedda, loona ballan qaaday in wax baddan laga caawini doono .

Shirkaan ayaa Waxa ka soo qaybgalay wasiiro ka Socday ilaa 4o dawladood, Wasiiradaas oo kala ahaa Wasiiradda gaadiidka badda & Amniga , waxaa kale oo ka soo qaybgalay dhammaan hay’adaha Jamciyadda qaruumaha ka dhexeysa Shirkadaha Gaadiidka Badda, Mulkiiyaasha gaadiidka Badda, Shirkahaa Caymiska, Shirkadaha leh TAANGARADA SHIDAALADA, taas oo runtii aad looga hadlay Amaanka Maraakiibta badda Maraya oo loo ogolaaday in Hub la saaro, Hawalha hadda cusub ee loo ogoladay Ciidamadda badda soomaaliya ilaaliya in laga weeraro Xeebaha ay degan yihiin taas oo laga burburnayo dhaammaan logistikata, iyo gaadiidkaba.
Wasiirka ayaa si gaar ah u kulamay, Wasiiradda dalalka qaarkood kuwaas oo kala ah, Japan. South Korea,
Uk, UAE, KSA, Maldives, china, Indonesia. Malaysia.

Sidoo Kale Wasiirka iyo Agaasimihiisa ayaa Kulamo gaar ah Waxa ay la qaateen Labadii Maalmood ee ugu Dameeyey
Taliyaasha Ciidamadda Badda Ilaalada Xeebaha Soomaaliya Kuwaas oo Kala ahaa:
1-Ciidamada loo yaqaan EUNAFOR ATLANTA
2- Ciidamada NATO
3-Ciidamada wadamada Gaarka ah ee Ka Kala Socda Wadamada ( Ruushka, china, Iran, India).

Isku soo Wada Duubo Shirkan Caalamiga ah ee looga hadlay La Dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida ayaa Waxa uu Kusoo Dhamaaday Jawi Degan ,iyadoo Wasaarada Dekedaha ,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Amaan Gaar ah Loogu Jeediyey.

Sawiro

Image
Image
Image

http://allsbc.com/wasiirka-dekedaha-pun ... donsawiro/
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: MINISTER OF PORTS ATTENDS HIGH-LEVEL LONDON CONFERENCE

Post by FBISOMALIA »

8-) PL
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”