Page 1 of 5

Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 10:39 am
by The_Emperior5
Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Wershadda sharaabka SBI oo ay ku baxday $15
May 22nd, 2012

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta furay warshadda Somaliland Beverage Industry (SBI) oo ah tii u weynayd ee Coca-ha iyo sharaabka kale soo saarta oo laga hirgeliyay Somaliland, waxaana laga furay deegaanka Jaleelo oo ku taalla waqooyiga Hargeysa, taasi oo uu maal-gashaday Muwaadin Axmed Cismaan Geelle.

Warshadan oo maalintii soo saaraysa 18 kun oo kees oo sharaabka noocyadiisa kala duwan ah, waxa ku baxay hirgelinteedda lacag lagu qadaray 15 milyan oo Dollar.

Xafladdii loo sameeyay furitaanka warshadan oo lagu qabtay xarunta warshadda SBI, waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano, Xisbiyadda qaranka, ururadda siyaasadda Somaliland, Ganacsato, Wasiiro iyo masuuliyiin ka socday dalka Somaliland la dariska ah ee Jabuuti iyo madaxa shirkadda Coca-cola ee bariga iyo badhtamaha afrika Mr. Nathan Kalumbu, salaadiin iyo marti-sharaf aad u badan oo kun qof kor u dhaafay.

Guddoomiyaha ahna Mulkiilaha shirkadda SBI Mr. Axmed Cismaan Geelle oo ka hadlay xafladii furitaanka ayaa u mahad celiyay madaxweynaha iyo marti-sharaftii kale ee ka soo qeyb galay xafladaasi, waxaanu sheegay in dhsimaha warshadan uu ku riyoonayay hirgelinteedda muddo 28 sanadood ah, waxaanu tilmaamay inuu u mahad celinayo dadkii kala soo shaqeeyay marxaladihii uu u soo maray wershadaasi, waxaanu xusay in ALLE ha u naxariistee Aabihii Cismaan Geelle Faarax uu wax ku lahaa intii aanu xijaaban fikirkii wershadaasi.

Axmed Cismaan wuxuu sheegay inay warshadani ay liisan ka qaadatay shirkadda Coca-cola adduunka sanadkii 2008-dii,waxaanu tilmaamay in sharaabkoodu uu waafaqsan yahay heerkii (standard) caalamiga ahaa, waxaanu u mahad celiyay shirkadda Coca-cola ee bariga iyo badhtamaha afrika oo uu carabka ku dhuftay inuu iskaashi balaadhani ka dhaxeeyo.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in 15- milyan oo Dollar lagu maal-geliyay warshadan taasi oo ay iska kaashadeen Somaliland Beverage Industry (SBI) iyo Shirkadda Coca-cola, oo ay ka go’an tahay inay qaaradda AFrika ku maal-geliso $12 Bilyan oo dollar sanadaha 2010 illaa 2020-ka.

“Waxaan jecelahay Madaxweynaha Somaliland oo intii aanu dhisaynay warshadan taageero balaadhan nala garab taagnaa, waxa kale oo aanan marnaba iloobi Karin oo aan si weyn ugu mahad celinayaa odayaasha deegaanka Jaleelo oo nala soo kifaaxay maanta midhaheedii nala guranaya,”ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkadda SBI.

Axmed Cismaan wuxuu dadweynaha ugu baaqay inay shirkadan taageeraan si loo dhiiri geliyo wax-soosaarka wadaniga isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan dadweynaha Somaliland oo aanu u mahad celinayno aanu ugu baaqaynaa inay nala shaqeeyaan oo ay na taageeraan si loo dhiirigeliyo wax-soosaarka wadaniga ah.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka warshadan oo uu xusay inay ka weyn tahay aragtidii uu markii hore ka haystay.

“Waxaan marka u horeysa halkan hambalyo aad iyo aad u balaadhan uga soo jeedinayaa shirkadda Coca-cola-ha ee SBI ee aynu halkan maanta wax bandanna ka maqalay wax bandanna ka dhegaysanay, waxaynu indhaheena ku aragnay warshaddan iyo waxa ka dhisan oo runtii ahaa wax aad iyo aad loola yaabo oo aad loogu farxo ahaa,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan hambalyo iyo ammaan balaadhan u soo jeedinayaa Axmed Cismaan Geelle iyo shirkadiisaba. Runtii wxii aan halkan ku arkay may ahayn wax aan filayay waa runtii wax aad uga balaadhan wixii aan filayay. Waa wax ay Somaliland ku faani karto waxyaabaha ay dalka ku soo kordhiyeen. Waxa kale oo ka sii weyn warshadan ay fureen waxaynu ka sii baran karno, siday dunidda inoogu xidhi karto iyo shaqooyinka ay abuurayso.”
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu intaasi ku daray inay xukuumadiisu ay diyaar u tahay inay dhiiri-gelinayso cid allaalle iyo cidii maal-gashanaysa dalka.

“Anagu haddii aanu dawladda nahay waxaanu diyaar u nahay wax allaale iyo wixii dhiiri-gelinaya samaynta warshada noocan oo kale ah ee u faa’iidaynaya ee shaqo u abuuraya oo dalka horumarkiisa gacan ka geysanaya diyaar ayaanu u nahay inaanu dhinac walba ka caawino oo wixii aanu la qaban karnaba la qaban karo. Waanu ku dhiiri-gelinaynaa Inshaalaahu tacaalaa. Waxaanan mar kale leeyahay hambalyo hambayo. Weftiga reer Jabuuti ee aanu walaalaha nahay ee marti-qaadka noogu yimidna waxaanu leenahay soo dhawaadda waa dalkiinii iyo dadkiinii ayaanu leenahay,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, waxaanu bogaadiyay mulkiileyaasha shirkadan oo uu ku sifeeyay qaar maal-gashi balaadhan dalka geliyay. Waxaanu balan-qaaday inay wasaarad ahaan ay dhiirigelinayaan isla markaana wixii tasiilaad ah u fududayn doonaan.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Madaxa shirkadda Coca-colla ee bariga iyo badhtamaha Afrika Nathan Kalumbu iyo sarkaal sare oo ka socday shirkadda Coca-cola ee adduunka, waxaanay ka warameen marxaladihii uu soo maray iskaashiga ka dhaxeeya shirkadooda iyo shirkadda SBI, waxaanay xuseen inay ku faraxsan yihiin inay iskaashi ganacsi la wadaagaan shirkadda SBI ee Somaliland.

Waxa halkaasi lagu soo bandhigay filim kooban oo dukumantari ah oo tafaasiil ka bixinayay maraaxilkii ay soo martay dhidib u taagii warshadan la furay ee Somaliland Beverage Industry (SBI) oo ku guulaysatay inay dalka ka hirgeliso wershadii u weynayd ee sharaabka soo saarta oo tayadiisu gaadhsiisan tahay heerkii la rabay.

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 10:46 am
by CaliBurco
Couldn't do the pictures in one go huh? Use Firefox when copying from hadhwanaagnews.

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 10:47 am
by The_Emperior5
i didn't copy it from Hadhwanaagnews i used Somaliland.org websitka dawlada.

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 10:54 am
by Rightwing
pics pls

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 10:56 am
by The_Emperior5
Image

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 11:04 am
by kaliil
Warshadani waa tii ilma Geelle arab soo maaha?meeshii yarayde Axmed Gurey ku lahaayeen ayaa meel cusub loo wareejiyey miyaa?

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 11:04 am
by CaliBurco
The_Emperior5 wrote:i didn't copy it from Hadhwanaagnews i used Somaliland.org websitka dawlada.
Hadhwanaag has got great pictures.

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 11:10 am
by The_Emperior5
Image

Image

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 11:14 am
by The_Emperior5
Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 11:22 am
by LiquidHYDROGEN
Isn't it sad when the opening of a new soft-drinks factory is a presidential affair? I wonder, if a steel plant was opened would there be a 5-day public holiday? :|

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 11:40 am
by Keyse_0208
Abdi waxkasta wuu ka soo hor jeedaa, whats wrong with the president opening a new factory..?? it happens all over the world.. either way waa Guul - Miyaanad sxb sidaTesco maqlin every little helps :)
"Nigerian president opens juice factory" NIGERIA has a new FCOJ factory, processing local fruit. Transnational Corporation of Nigeria plc (Transcorp) has inaugurated its NGN1.0 billion (USD6.3 million) plant, owned by its Teragro subsidiary in Benue state.
"Rwanda" President Paul Kagame on Monday opened the massive Inyange Industries factory - which management said will produce soft-drinks that are ten-times more in quantity than what was being produced by the previous plant.
Sri Lanka's first ever semi-government owned fish canning factory opened in Galle. The new factory is a joint venture between Ceylon Fisheries Corporation (CFC) and Happy Cook Lanka Food.

Image
President Ahmadinejad opens Qom cement factory
etc etc etc

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 12:01 pm
by abdikarim86
Image

I recognise the guy with the white hair, I am 99% sure this the finance minister of Djibouti (or was when I last checked).
What are Reer Djbouti doing there?

Ma shares bay ku leeyihiin?
The former Cigale Muuse Information minister is also there.

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 12:21 pm
by abdikarim86
Image

Image

Image

Image

Image

Image

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 12:28 pm
by LiquidHYDROGEN
Keyse_0208 wrote:Abdi waxkasta wuu ka soo hor jeedaa, whats wrong with the president opening a new factory..?? it happens all over the world.. either way waa Guul - Miyaanad sxb sidaTesco maqlin every little helps :)
"Nigerian president opens juice factory" NIGERIA has a new FCOJ factory, processing local fruit. Transnational Corporation of Nigeria plc (Transcorp) has inaugurated its NGN1.0 billion (USD6.3 million) plant, owned by its Teragro subsidiary in Benue state.
"Rwanda" President Paul Kagame on Monday opened the massive Inyange Industries factory - which management said will produce soft-drinks that are ten-times more in quantity than what was being produced by the previous plant.
Sri Lanka's first ever semi-government owned fish canning factory opened in Galle. The new factory is a joint venture between Ceylon Fisheries Corporation (CFC) and Happy Cook Lanka Food.

Image
President Ahmadinejad opens Qom cement factory


etc etc etc
Rwanda, Nigeria, Sri Lanka? My point exactly. :lol:

Re: Somaliland President opens SBI factory+PICTURES

Posted: Tue May 22, 2012 2:31 pm
by Methylamine
^Bro u think Somaliland can turn into a G8 superpower overnight? :lol: this is a step in the right path :up:

Does anyone know whereabout in Somaliland this plant is? I wanna this place this summer iA