Page 1 of 1

Koox Beeled try to replace Laba Garre ASWJ

Posted: Fri May 25, 2012 2:16 am
by grandpakhalif
Koox beeleed ka tirsan AhluSunna oo sheegay inay xilka ka qaadeen Prof:Laba Gare



Koox ka soo jeeda mid kamid ah beelaha dega gobolka Galgaduudayaa maanta sheegtay in ay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha guud ee ururka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca Prof: Xirsi Maxamed Hilowle (Laba Garre).



Shir ay ku yeesheen kooxdan degmada Guriceel, iyagoo sheeganayo in ay yihiin guddiga talada Ahlu-Sunna ayaa maanta laga soo saaray in xilkii guddoomiyenimo laga xayuubiyey Mudane Laba Garre kadib markii ay ku eedeeyeen in uu shaqadiisa gudan waayey.

Ninka ku magacaaban guddiga talada Ahlu-Sunna Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in xilka ay ka qaadeen guddoomiyaha kadib markii 27-xubnood oo golaha talada ka tirsan ay ka soo gudbiyeen mooshin ka dhan ah.

Cabdiqaadir wuxuu tilmaamay in waxyaabaha lagu eedeeyey Laba Garre ay kamid tahay in muddo sagaal bilood ah oo uu xilka hayey toddoba bilood oo kamid ah uu dalka ka maqnaa, arrintaas oo uu yiri waa mid sharci darro ku ah habka maamulka Ahlu-Sunna.

Shirkan la sheegay in xilka looga qaadday guddoomiyaha guud ee Ahlu-Sunna wuxuu socday ilaa shalay, furitaankiisii warqad ka soo baxday Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ay isku beel yihiin ragga xil ka qaadista sameeyey ayaa lagu eedeeyey Laba Garre in uu shaqadiisa gudan waayey.

Dad badan ayaa isweydiinayo sida ay suurtagal ku noqon karto in xubno yar oo isku beel ah ay xilka ka qaadaan guddoomiye doorasho xor ah lagu doortay oo waliba ka soo jeeda mid kamid ah beelaha ugu badan ee ku jira Ahlu-Sunna.

Prof: Xirsi Maxamed Hilowle waxaa guddoomiyaha Ahlu-Sunna loo doortay sanadkii hore kadib doorasho xalaal ah oo lagu qabtay magaalada Caabudwaaq, waa nin aqoonyahan ah oo maadi iyo diiniba yaqaano.

Ahlu-Sunna oo ku xiran dowladda Ethiopia waxaa la degay rag qaswadayaal ah oo ujeedadoodu ay tahay in ay iska horkeenaan beelaha wada dega gobolka Galgaduud.

Lama oga waxa ay ku dambeyn doonto arrintan, inkastoo uusan ilaa hadda Prof: Laba Garre ka hadlin xilka laga qaadday.

Gedoweb News Desk

Re: Koox Beeled try to replace Laba Garre ASWJ

Posted: Fri May 25, 2012 2:29 am
by grandpakhalif
hlu-Sunna oo ku xiran dowladda Ethiopia waxaa la degay rag qaswadayaal ah oo ujeedadoodu ay tahay in ay iska horkeenaan beelaha wada dega gobolka Galgaduud.
As soon as they come back from addis they start this bs, interesting.

Re: Koox Beeled try to replace Laba Garre ASWJ

Posted: Fri May 25, 2012 3:29 am
by OAF
Image
:som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som:

Re: Koox Beeled try to replace Laba Garre ASWJ

Posted: Fri May 25, 2012 9:26 am
by ZubeirAwal
^ Shaydaanku foolxuma, acuudubillahi minash shaydaani rajim :lol: