
Hay’ada Stichting Amaan oo Xarun lagu hormariyo hawenka ka furtay Magaalada Cabudwaaq
Waxaa Magaalada Cabudwaaq ee bartamaha Somalia laga furay Xarun lagu hormarinaayo haweenka Somaliyeed ee ku nool Gobolka Galgaduud.
Xaruntaan aya waxaa Furay Ha’ada Stichting Amaan oo ayadu mashaaric badan horay uga fulisay Magaalada Cabudwaaq ee Bartamaha Somalia.
Xarunta aya waxaa lagu magacaaba Amaan Women Developemt Center Waxaayna waxbadan qabanaysa hormarinta haweenka gobolka oo ayagu la dala dhacaya aqoon la’an iyo ayago aan lahayn Xirfaad ay ku shaqaysataan waxana xaruntina hawenka gobolka ay ka faa’idi doonan barashada xirfado kala duwan oo ay ka mid tahay barashada harqaanka lagu tolo nucyada kala duwaan ee dharka iyo Xirfado kale.
Ha’ada Stichting Amaan aya waxaay horay gobolka galgaduud uga fulisay mashaaric ay ka mid yihiin dhismaha Amaan Genaraal Hospitaal oo ku yaala Magaalada Cabudwaaq waxaay sido kale qayb weyn ka qadatay wax ka qabashada Abaarti ba”neyd ee sanadki tagay ku dhufatay guud ahaan gayiga Somalia.
Filo wareysi anu la yeelano Gudomiyaha Ha’ada Stichting Amaan Drs: Xamza Xusein Hanoolato


