Noloshii Garaad WiilWaal, Qaybtii Koowaad‏

Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Noloshii Garaad WiilWaal, Qaybtii Koowaad‏

Post by Faarax-Caytame »

Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi, oo lagu garan ogyahay Garaad WiilWaal waxa uu ka talin jiray Gobolka JigJiga iyo agagaarkeeda.
Garaad WiilWaal wuxuu ka arimin jirey saldanad tirsata ilaa 25 Garaad oo ka horeysay isaga oo uu ku abtirsan hayay.

Garaad WiilWaal wuxuu ka dhashay tolweynaha Daarood Ismaaciil Jeberti, khaastan Absame Kuumade, si hoos iyo qoysna Jidwaaq.
Garaad WiilWaal wuxuu ku dhintay 63 sano, xili lagu qiyaasay 1850kii.
Garaad WiilWaal raguu dhalay iyo magacyadoodu waxay kala ahaayeen;

Dhulbahante
Cubbeed
Cumar
Axmed
Qaallib
Askar
Farruur
Xiirey


Garaad WiilWaal wuxuu la dhashay laba wiil oo la kala odhan jirey;
Guuleed-Kotte Garaad Faarax iyo Samatar-Caarre Garaad Faarax, Labadana dad baa ka dhaqan.
Garaadku wuxuu kaloo la dhashay dumar la kala odhan jiray ;

Cawrala Garaad Faarax
Canbaro Garaad Faarax
Cawo Garaad Faarax


Adeeradiisna waxay kala ahaayeen;

Samatar Garaad Xirsi
Magan Garaad Xirsi
Cali Garaad Xirsi
Guuleed Garaad Xirsi


Garaad WiilWaal haweenkuu guursaday magacyadoodu waxay kala ahaayeen

Timmiro-Caddeey
Dahabo Qalatara
Dahabo Aw-Cali Dalal
Beydan Duula


Qaar uu fureyna waa jirreen, afarta aan kor ku xusnay laftoodu xilli ay kala maseyreen baa jiray oy garaadka u yimaadeen.
Markaasuu buu ku yidhi, gabalku markuu dhaco, golaheyga aan ku caweeyo iigu imaada, markay ugu yimaadeen buu yidhi sii jeedsada, middii aan dhabarka ka taabto unbaan jeclahaye, iyadoo aamusan ha dhaqaaqdo oo aqalkeeda ha gasho.

Dhamaantood ayuu dhabarka ka taabtay, Mid waliba iyadoo aamusan bay aqalkeedii gashay, iyadoo maanka ku heysa adigaa laguugu jecelyahay oo dhabarka lagaa taabtay.
Garaad WiilWaal qaboojinta dumarka sidaas buu ugu xeel dheeraa.

Naaneysta WiilWaal ah intii aan loo bixin yaraantiisii, ilaa qiys ahaan intuu ka gaadhayay 15 jir, waxaa lagu naaneysi jiray Jinni-Boqor.
Sababtuna waxay aheyd inuu ahaa nin firfircoon, oo tababka dagaalka isagoo yar hantay, meel uu leeb ku ridayna aan la seegi jirin inta badan, Nin haday legdamaana inta badan dhinaciisa dhulka lama dhigi jirin.
Wixii la qaybsadana wuxuu ahaa wiil jecel in dheeraad laga siiyo, ama xeelad haku helo ama tabo kale haku helee.

Dagaalyahanimo, Gabyaanimo, Farda-dhaadhinimo iyo Gacan fudeyd lala yaabay ayaa barbaarnimadiisiiba lagu bartay.
Waligiisna sida la wariyey cid ay iska hor yimaadeen, nebar kalama hormarin.

Had iyo jeer, Warmihiisa iyo qalabkiisa dagaalku meel gacantiisa ka fog ma uusan dhigin.
WiilWaal isagoo 15 jir, aabihii Garaad Faaraxna noolyahay oo talada Jidwaaq isagu gacanta ku hayo, buu magacii aabihii hadheeyay, oy noqotay in wiilkan yar ee soo kacay lagu wada hadaaqo.

Duqii dhalay oo wali ifka saaran, ayuu wiilkan yari taliyey , waxna dilay, waxna derajeeyay.
Hadal uu yidhi cidi ma diidi karin, mana asaraari karin.
Nin melagiis gelay mooyee, nin "MAYA" kula dhici kareyna lama sheegin.

Qaybaha dambe la soco iyo noloshii Garaad WiilWaal

FaaraxGeeydh@hotmail.com
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Noloshii Garaad WiilWaal, Qaybtii Koowaad‏

Post by Rightwing »

Historic Lessons from Garaad wiilwaal. The leader who libarated Jigjiga from OROMA.

thanks Farah
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”