Garbahaarey, Somalia (AOL) - Xildhibaan Max’uud Sayid aadan oo kamid ah xildhibaannada dowladda KMG Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay qaabka ay xukuumadda Soomaaliya u xushay odoyaasha dhaqanka ee ka qeybgalaya shirka lagusoo xulayo xubnaha ansixin doona dastuurka Soomaaliya.
Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta maamullada dowladda KMG iyo Ahlusunna oo ka dhacay magaalada Garbahaareey ayaa waxa looga soo horjeestay habka loo xulay odoyaasha dhaqanka ee mataleysa gobolka Gedo.
Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan oo kulanka kadib warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in niman katirsan xukuumadda ay ku takri faleen awoodii xafiiska ay hayeen iyo dhaqaalihii dalka isagoona xusay in ay u adeegsadeen in ay ihaano ku sameeyaan odoyaashii dhaqanka, wuxuuna xusay in ay diiwaangeliyeen rag aan katirsaneen dhaqanka gobolka Gedo.
“Anagoo ka duuleyna in ay soomaaliya hesho dowlad dhisan la isuna samro ayaan dirnay odoyaashii rasmiga ahaa oo shirkaasi qeybtooda ka qaadan lahaa, matali lahaana umadda gobolka, laakiin nimankaa way nala garan waayeen soomaalinimadii iyo tanaasulkii la sameeyay waxayna ku sameeyeen odoyaashii ihaano aad iyo aad u foolxun oo xuquuqdii ay lahaayeen iyo sharaftii ay lahaayeen ay kaga qaadayaan,” ayuu xildhibaanku hadalkiisii raaciyay.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka in qaabka loo xulay odoyaasha dhaqanka ee matalaya gobolka Gedo ay tahay qaab qaldan oo aan loo dulqaadan karin, wuxuuna xusay in ugaasyadii, salaadiintii iyo waxgaradkii gobolka ee soo jireenka ahaa oo taagan in wiilal yar-yar oo dano laga leeyahay kana mid ah ururradii dagaalamayay in la yiri waxaa tahay odoy dhaqameed wuxuuna xusay in ay tahay arintaasi arin aad looga xumaado.
Hadalkan kasoo yeeray masuuliyiinta dowladda KMG iyo kuwa ururka Ahlusunna ee gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya xilli uu buuq fara badan ka taaganyahay habka loo soo xulay odoyaal dhaqameedka matalaya beelaha Soomaaliyeed ee la filayo in ay soo magacaabaan xubnaha ansixin doono dastuurka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden against Turkey Conference
Moderator: Moderators
- FaraxZeroIncome
- SomaliNetizen
- Posts: 296
- Joined: Mon Jul 19, 2010 5:06 am
- Location: Puntland, Wardheer iyo Kismayo.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 492 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 11 Replies
- 1157 Views
-
Last post by Thecoolguysomali
-
- 26 Replies
- 1587 Views
-
Last post by Gedo_Boy
-
- 3 Replies
- 443 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 6 Replies
- 765 Views
-
Last post by Advocatar
-
- 16 Replies
- 1413 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 22 Replies
- 1889 Views
-
Last post by Rabshoole
-
- 1 Replies
- 460 Views
-
Last post by Advo
-
- 0 Replies
- 346 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 18 Replies
- 1136 Views
-
Last post by Starscream