
Kismayo Attacked From Sea By Warships, Al Shabaab corned!!!
Kenyan & Raaskambooni iyo Ahlusuna Troops now near city gates.




Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa waxaaa ay sheegayaan in Markab dagaal uu duqeeyay Magaalada Dekeda leh ee Kismaayo.
Kismaayo Waxaa Maamula Al-shabaab waxaana halkaas ujooga Ciidamo badan oo Soomaali iyo Ajaanib,waxaana lagu Tiriyaa Kismaayo in Al-shabaab ay dhaqaalo ay kahelaan.
Markab Dagaal oo ah kuwa Shisheeye ayaa Saakay waxaa lasheegay inuu usoo dhawaday Dekeda Kismaayo,waxaana kawarhelay Ciidamada Al-shabaab kadibna Risaas iyo qoriga loo yaqaan Suuga ayay ooda ugu qaadeen Markabka.
Intaa kadib ayaa waxaa lasheegay in Markabka uu bilaabay inuu ujawaabo Qoryaha ay soo ridayeen Al-shabaab waxaa ay ugaysteen deegaano katirsan Magaalada Duqay Madaafiiceed.
Macada qasaaraha ay gaysatay Madaafiicda laga Tuuray markabka,iyadoo wali Markabka Dagaal uu dhextaaganyahay Xeebta magaalada Kismaayo oo aan kafogayn Dekede Magaalada.
Dadka deeganka ayaa kusoo waramaya in Wali Xiisad kacsanaan ay kajirto Kismaayo,iyadoo Shabaabkii fariisimaha kulahaa dekeda Kismaayo ay kala baxeen Agabkii Uyiilay Dekeda Sida Hubka iyo Gawaarida Dagaalka.
Beesha Caalamka ayaa Cadaadis waxaa ay saarayaan Magaalada Kismaayo oo ay kutuhmayaan In Al-shabaab utahay Ilo dhaqaale oo aad ugu muhiim ah iyaga,waxaana Weerarayo Kismaayo diyaarado dagaal ,Maraakiib iyo Ciidamo dhanka lugta ah oo ay kamid yihiin Kenya,Dowlada ; Ahlusuna iyo Raaskambooni.
Lama oga ujeeeda Markabkaan kusugan Maanta Xeebta Kismaayo.
