Seychelles (Puntlandi.com):- Wafdi ka socda dawlada Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Dekadaha,Gadiidka badda iyo Ladagaalanka Burcad-badeedka Eng, Saciid Maxamed Raage ayaa gaaray Jasiirada Seychelles halkaas oo ay kula kulmeen Masuuliyiinta Jasiiradaasi sidoo kalana ay booqdeen xabsiyada ay ku xiran yihiin dhalinyarada burcad badeednimada ku eedaysan.
Wafdiga Wasiirka ayaa magaalo madexda Jasiirada Seychelles ee Victoria waxay kula kulmeen Masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka Arrimaha gudaha iyo Gadiidka Seychelles Joel Morgan oo ay aad uga wada hadleen arrimaha la xiriira la dagaalanka burcda badeeda, dhibaatooyinka ay ku hayaan marin biyoodka Caalamka iyo arrimo kaloo la xiriiro maxkamadaynta iyo siihayntooda xabsiga kadib.
Wafdiga Wasiirka Dekadaha,Gadiidka badda iyo Ladagaalanka Burcad-badeedka Eng, Saciid Maxamed Raage ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland iyo Saraakiil ka socotay Hay’adda UNODC iyo xubno kaloo farabadan ayaa waxay masuuliyiinta Seychellesa aad ugala hadleen hawgalada lagula dagaalamayo burcad badeeda, Maxkamadayntooda iyo dhamaan arrimaha la xiriira burcadda.
Waxaa aad la isula soo qaaday saamaynta burcda badeedu ay ku yeelatay isu socodka gaadidka bada iyo ganacsigii Caalamka.
Shir-saxaafadeed ay si wada jir ah u qabteen Masuuliyiinta Puntland iyo Seychelles ayaa waxay ku cabireen dareenkooda la xiriira iskaashiga labada dhinac ee arrimaha la dagaalanka burcad badeeda.
Wasiirka Arimaha Gudaha ee Seychelles Joel Morgan oo ugu horayn shir-saxaafadeedkan ka hadlay ayaa sheegay in dowlada Puntland ay wada shaqayn dhow la leedahay Jasiirada Seychelles islamarkaana ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira soo wareejinta burcad badeedka iyo sidii maxaabiista Burcad-badeednimada ku eedaysan ee Somaaliyeed ay u heli haayeen maxkamadayn cadaalad ah.
Joel Morgan wuxuu aad u soo dhoweeyay hawlgalladii ugu dembeeyay ee dawlada Puntland ay ku baacsatay Kooxaha burcad badeeda ah iyo sidoo kale hawgalada la dagaalanka Burcad-badeedda ee guud ahaan xeebaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dawlada Puntland ay ka caawinayaan Gadiidka badda iyo dhiirigalinta kaluumaysatada Soomaaliyeed.
Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in dawlada Puntland ay ka caawinayaan tababarka Ciidamada Asluubta ee xabsiyada si hawsha ay qabanayaan ay u noqoto mid sharciga waafaqsan islamarkaana nadiif ah.
Wasiirka Dekadaha,Gadiidka badda iyo Ladagaalanka Burcad-badeedka Eng, Saciid Maxamed Raage oo isna hadal kooban jeediyay ayaa dhiirigaliyay dadaalka Seychelles la garab taagantahay Umada Puntland iyo sida ay xilka isaga saartay qaybta ugu weyn in ay ka qaadato la dagaalanka burcda badeeda, wuxuuna ka codsaday in ay laba jibaaraan dadaalkan iyo iskaashiga ay la leeyihiin dawlada Puntland.
Intaasi kadib wafdiga Wasiirka Dekadaha,Gadiidka badda iyo Ladagaalanka Burcad-badeedka Eng, Saciid Maxamed Raage waxay booqdeen xabsiyada ay ku jiraan maxaabiista soomaalida ah ee ku eedaysan burcad-badeednimada, waxayna kulamo la qaateen masuuliyiinta xabsiyadan iyadoo sidoo kalana ay la hadleen maxaabiista soomaaliyeed ee xabsiyada ku jirta.
Seychelles welcomes delegates from Republic of Puntland
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 862 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 22 Replies
- 3827 Views
-
Last post by AwRastaale
-
- 19 Replies
- 1264 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 3 Replies
- 564 Views
-
Last post by Cinque Mtume
-
- 18 Replies
- 1614 Views
-
Last post by Nabadiyocaano
-
- 20 Replies
- 1592 Views
-
Last post by Halmogg
-
- 16 Replies
- 2518 Views
-
Last post by 26June1960
-
- 1 Replies
- 572 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 5 Replies
- 597 Views
-
Last post by zingii
-
- 8 Replies
- 885 Views
-
Last post by oxymoron