Bad News for Jamal Ali Hussein , Daahir rayaale wins

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32786
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Bad News for Jamal Ali Hussein , Daahir rayaale wins

Post by Khalid Ali »

Maxkamadda Sare oo burisay Murashaxnimadii Jamaal Cali Xuseen,UDUB-na u xukuntay Rayaalle

May 29th, 2012

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maxkamadda sare ee dastuuriga ah ee Somaliland ayaa maanta xukun ka soo saartay dacwaddii u dhaxaysay Hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, kuwaasi oo isku haystay sharciyadda awoodaha Guddoomiyaha xisbigaasi Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Dacwadan oo Maxkamadda hor-geeyay Guddoomiye Ku xigeenka xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxay maxkamaddu u xukuntay inuu gudoomiyaha sharciga ah ee xisbigaasi uu yahay Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, sida uu fadhigii maxkamadda ee maanta uu kaga dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, waxaana go’aankii maxkamaddu u dhignaa sidan:-

Maxkamadda sare ee Somaliland, iyada oo asbaabaha ku xusan dacwada loo soo gudbiyey iyo qodobka 10-aad xarafka B ee xeerka habka madaniga oo fasaxaya in maxkamada sare ka gar-naqdo go’aammada idaariga ah ee ka soo baxa hayadaha maamul ee dawlada oo lala akhriyo qodobka 29 ee xeerka wax ka bedelka iyo kaabista xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasiga ah ee jamhuuriyada Somaliland iyo xeerka guud ee xisbiga UDUB waxay maxkamadu soo saartay xukunkan hoos ku qoran:-
1. Waxay maxkamada Sare diiday asbaabta racfaanka racfaanlaha Axmed Yuusuf Yaasiin ee ku taariikhaysan 21/04/2012 iyo dood afeedkii qareenka u doodayey.

2. Waxay ogolaatay jawaab celinta asbaabta racfaanka racfaansane gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo dood afeedkii qareenkiisa iyo jawaab celinta ku taariikhaysan 09/05/2012.

3. Maxkamadu waxay ayiday go’aanka Guddida Diiwaan gelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka ee sumadiisu tahay GD/S110/2012 kuna taariikhaysan 17/04/2012

4. Waxay ku kordhisay maxkamadu in warqada sumadeedu tahay tixraac GXUDUB-001-2011 ee ku taariikhaysan 03/10/2011 iyada oo maxkamadu ku kordhisay in warqadaasi leedahay ku dhaqan sharci taas oo uu soo diray gudoomiyaha xisbiga UDUB Md.Daahir Rayeele Kaahin ujeedadeeduna ahayd soo xulista guddida xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Udub, guddidaas oo tiradoodu ahayd 35 xubnood oo uu gudoominayey gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed yuusuf Yaasiin waxay yeelanaysaa ku dhaqan sharci waxqabadyadii warqadaas ama igmashadaas lagu saleeyey ee ku soo baxay haddii la raacay oo lagu dhaqmay nuxurka iyo ujeedada warqadaas ku qornaa.

wax ka bedelka iyo soo jeedinta xeerka xisbiga UDUB waxa loo raacayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 1-aad iyo 2aad ee xeerka guud ee xisbiga UDUB, sidoo kale wax ka bedelka xeerku waxa uu ku ansaxayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 3aad ee shirweynaha xisbiga UDUB.

5. Xukunkan waxa lagu dhawaaqay maanta oo ay bishu tahay 29/05/2012.”
Xukunkani wuxuu meesha ka saarayaa Murashaxnimadii madaxtinimadda ee xisbiga UDUB ee Md. Jamaal Cali Xuseen uu garabka Axmed Yuusuf Yaasiin u doorteen murashaxa xisbigaasi.
User avatar
Madelina
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 953
Joined: Fri Jan 21, 2011 11:48 am
Location: My country is Somaliland, My Ethnicity is Somali and My Religion is Islam ;-)

Re: Bad News for Jamal Ali Hussein , Daahir rayaale wins

Post by Madelina »

Udub's best chance was Jamal Hussein. I am sure alot of ppl would have laughed & sang there way to vote for Udub if he was allowed to take over the reins :mrgreen:
Saraxnow
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4751
Joined: Mon Jun 27, 2011 7:02 pm

Re: Bad News for Jamal Ali Hussein , Daahir rayaale wins

Post by Saraxnow »

What? :lol:
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32786
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Bad News for Jamal Ali Hussein , Daahir rayaale wins

Post by Khalid Ali »

Jamaal Cali Xuseen oo si kulul u weeraray Guddoomiyaha Xisbiga UDUB :lol: :lol: :lol:
May 30th, 2012

“Daahir Rayaale waxaad moodaa inuu doonayo inuu xisbiga gacantiisa ku burburiyo”

Shaariqa(Somaliland.Org)- Murashaxii Garabka UDUB ee Guddoomiye Ku xigeenka xisbigaasi u doorteen murashaxa Madaxweynaha ee xisbigaasi aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa Guddoomiyaha UDUB ahna Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin ku eedeeyay inuu doonayo inuu burburiyo xisbigaasi.

Jamaal Cali Xuseen wuxuu go’aankii maxkammadda sare ku sifeeyay mid aan dhinacna ka qoslin, waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo uu caawa siiyay Horn Cable TV isagoo jooga magaaladda Shaariqa ee dalka imaaraadka carabta, waxaanu si weyn u naqdiyay Guddoomiyaha xisbiga UDUB oo uu ku tilmaamay mid aan doonayn inuu xisbiga badbaadiyo.

“Maxkamadda xukunkeedda anigoo ixtiraamaya oo ay dedaaleen dhinacna kamay qoslin oo dalabkii Axmed Yuusuf Yaasiin ee ahaa Guddoomiyenimada Daahir Rayaale ay ku durayeen waa laga diiday, sidoo kalena Daahir Rayaalena lagama qoslin oo waxa la yidhi labadii sanadood ee aad Paris fadhiday ee warqadda aad soo qortay wakaalashadda ah wixii hawl la sameeyay way soconaysaa,”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Nasiib darro waxaad moodaa xisbiga UDUB wali gacanta Daahir Rayaale ayay ku jirtaa haddii uu doonayo inuu badbaadiyo.laakiin waxaanu ka war haynaa inuu doonayo inuu gacantiisa ku burburiyo xisbiga.”

Murashaxaasi waxa kale oo uu ka hadlay eedo ay garabka Daahir Rayaale u soo jeediyaan oo la xidhiidha inuu labadii sanadood ee la soo dhaafay aanu xubin fir fircoon ka ahayn xisbigaasi. Waxaanu ku dooday inaanu ahayn mid imika ku biiray ee uu xisbiga muddo dheer taageeri jiray kana mid ahaa.

Jamaal Cali wuxuu sheegay in Guddoomiyaha UDUB uu Xoghayaha xisbiga UDUB u magacaabay Jaamac Yaasiin oo uu carabaabay in isaga oo laba maalmood oo qudha joogay dalka ka dhigay Xoghayaha Guud, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaad moodaa inay xeerarkii xisbiga ka ay doonaana soo qaataan ka ay doonaanna ka tagaan. Anigoo ixtiraam u haya oo leh wuu u qalmaa xoghayaha xisbiga isagoo jug soo dhacay yimid wadanka oo aas ka soo qeyb galay ayuu Daahir Rayaale ka dhigay xoghayaha xisbiga. Aniga oo isaga (Rayaalle) taageeri jiray oo ku soo dhawayn jiray Nairobi iyo meel walba inay igu yidhaahdaan xubin firfircoon oo xisbiga ah maad ahayn. Iyaga laftooda ayaan xisbiga wax ay u qabteenba aanay jirin. Anigu ta aan xisbiga u sameeyay u malayn maayo inay iyagu u sameeyeen.”

Murashaxaasi muranku ka taagan yahay waxa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku ammaanay tallaabadii uu ku furay ururadda siyaasadda ee dalka ka hirgalay.

Jamaal oo la weydiiyay inay marna wada hadleen ama kulmeen murashixiintii la tartamayay ee xisbiga UDUB, wuxuu yidhi “Haa, anigu Cali Waran-cadde waanu wada hadalay waa nin aan ixtiraam u hayo oo karti leh oo lala shaqayn karayo. Si wanaagsan oo saraaxiyad ah oo aanay xumaani ku jirinna waanu u wada hadalnay, imikana waan jecelahay inaan la hadlo ama la shaqeeyo. Tartan marka la gallana mid uun baa guulaysta. Anigu xataa waxaan diyaar u ahaa haddii tartanka lagu celinayo anigu diyaar ayaan u ahaa.”

“Waxaan filayay anigu in Daahir Rayaale inta uu yimaado inuu ka odayeeyo oo uu yidhaahdo waar anigaaba ragga siidhiga u qabanaya.laakiin waxaad moodaa inaanu ragga wada hadashiin oo aanu iskugu yeedhin.
Runtii doorkii laga filayay ninka Hoggaamiyaha ah waxa laga filaa inuu eego danta xisbiga. Daahir Rayaale sideed sanadood ayaa la daba socday markaa intuu aayar uun iska yimaado uu xisbigu wixii uu sameeyay iska laalo khalad ayay ahayd,”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Bad News for Jamal Ali Hussein , Daahir rayaale wins

Post by Somalistan »

Waar Yaa Ilaah yaqaan. waar yaa Muslim ah oo huunada hore nooga wada. Magaciisa marka aan maqlo, lalabaa iga qabata wallahi. I'm reminded of 7 years of 'do nothing, sit back and chew khat' policy of Dahir rayaale or as he was called Daahir Doolar.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Bad News for Jamal Ali Hussein , Daahir rayaale wins

Post by The_Emperior5 »

Somalistan wrote:Waar Yaa Ilaah yaqaan. waar yaa Muslim ah oo huunada hore nooga wada. Magaciisa marka aan maqlo, lalabaa iga qabata wallahi. I'm reminded of 7 years of 'do nothing, sit back and chew khat' policy of Dahir rayaale or as he was called Daahir Doolar.
:lol: :lol: :lol: :lol: Somalistan ma yaabtay daahir rayaale is a just a playa hater he doesn't want to see fresh faces in the udub party
User avatar
LiquidHYDROGEN
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14522
Joined: Fri Mar 16, 2007 10:48 am
Location: Back home in Old Kush

Re: Bad News for Jamal Ali Hussein , Daahir rayaale wins

Post by LiquidHYDROGEN »

Democracy :down:
User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Re: Bad News for Jamal Ali Hussein , Daahir rayaale wins

Post by Mondey »

Boss (in Rick Ross voice) :up:

Both Jamaal and Yassin are immatures in politics and can never win a fight against their DRK boss.
User avatar
rich-boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1635
Joined: Wed Jan 30, 2008 6:26 am
Location: Paris Seine saint denis Banlieue Nord gros

Re: Bad News for Jamal Ali Hussein , Daahir rayaale wins

Post by rich-boy »

dahiir rayaale should give the party back to his legitime owners
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Bad News for Jamal Ali Hussein , Daahir rayaale wins

Post by Mr_Alfaas »

rich-boy wrote:dahiir rayaale should give the party back to his legitime owners
u mean Jamal Ali Hussein :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”