
June 4, 2012
http://somaliweyn.com/pages/news/June_12/4June10.html
War Deg deg ah: Xasan Daahir Aweys oo isku dhiibay Dowladda KMG ah kuna sugan xarunta madaxtooyada Soomaaliya
Mogadishu Isniin 4 June 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype)
War Deg deg ah: Xasan Daahir Aweys oo isku dhiibay Dowladda KMG ah kuna sugan xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka soo xiganay ilo ku sugan xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan saraakiisha ururka Al-Shabaab uu isku dhiibay Dowladda KMG ah, isla markaana xarunta haatan uu ku sugan yahay xarunta madaxtooyada Villa Somalia.
Wararku waxay intaasi raacinayaan in hoggaamiyihii ururka Xisbul Islaam uu dhowaan shaaca ka qaado isbedelka ku yimid mowqifkiisii taageero Shabaabka ahaa ee magaalada Muqdisho geliyay burburka aan horay loo arag, isla markaana uu ka door bido xilligaan inuu dhinaca Dowladda u soo wareego.
Madax ka tirsan Dowladda KMG ah oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa iminka kulamo kula qaadanaya Sheekh Xasan Daahir oo wata 14-gaari oo isugu jira kuwa raaxada iyo kuwa dagaalka iyo waliba maleeshiyaad fara badan oo ku hubeysan qoryaha boobayaasha ah.
Wararka ayaa sheegaya in isbedelka ku yimid hoggaamiyihii ururkii burburay ee Xisbul Islaam uu keenay kaddib markii ilaaladiisa ay galeen go'doon degaanno ku dhow ceelasha Biyaha halkaasi oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada Dowladda KMG ah oo gacanta ku dhigay ilaa Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Dhinaca kale Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa asaasayaashii Maxkamadaha Islaamiga ah ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed markii ay burbureen Maxkamadaha la saftay ururka Al-Shabaab, isagoo horseed ka ahaa dagaalkii burburiyay magaalada Muqdisho isla markaana barakiciyay inta badan dadkii degenaa magaalada Muqdisho oo hoy u noqday geedaha iyo howdka ku teedsan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.
Hadaladii lagu xasuusan jiray waxaa ka mid ahaa "Anaga iyo shacabka waxaan isku nahay Kalluunka iyo biyaha, sida uu kaluunka uga baahanyahay ayaan anagaga uga baahanahay shacabka".
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com