Maamul KMG oo loo magacaabay Degmada Afmadow ee Gobolka!

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
OAF
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1204
Joined: Wed Nov 30, 2011 11:42 am
Location: Ogaden Armed Forces, Ogaden Republic.

Maamul KMG oo loo magacaabay Degmada Afmadow ee Gobolka!

Post by OAF »

Image
Ururka Raaskaambooni ee ka barbar dagaalama ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka ayaa maanta maamul cusub kaga dhawaaqay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, iyadoona la sheegay in maamulkani uu noqon doono mid KMG ah.

Maamulkan cusub ee looga dhawaaqay degmada Afmadow ayaa weli ah mid aan dhameystirnayn, iyadoona gudoomiyaha degmada Afmadow loo magacaabay C/xakiin Cumar Xaaji oo kamid ah dhaqdhaqaaqa raaskaambooni, kana soo jeeda degmada Afmadow.

Magacaabista Gudoomiyaha Maamulka Degmada Afmadow ayaa timid kadib falanqeyn dheer iyo wada tashi ay yeesheen masuulyiinta Ciidamada hogaamineysa iyo Odayaasha deegaanka, inkastoo ay jiraan odayaal ka soo horjeestay magacaabista Gudoomiyaha cusub ee degmada Afmadow.

Ma jiraan masuuliyiin katirsan dowladda KMG oo ka hadlay maamulka cusub ee looga dhawaaqay degmada Afmadow, waxaana ilaa imika la garaneyn sida dowladda KMG ay u aragto maamulkan cusub ee ururka Raaskaambooni kaga dhawaaqay degmada Afmadow.

Maamulka oo weli ah mid qabyo ayaa la filayaa in lasoo dhameystiro islamarkaasina lagu dhawaaqo xubnaha kale ee uu ka koobnaan doono maamulka loo sameeyay magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Jubada Hoose”