Armed militia of khatumo captured border village

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Armed militia of khatumo captured border village

Post by Rightwing »

Maleeshiyada Khaatumo Oo Ciidamada Puntland Kala Wareegtay Kastamka Degmada Tukaraq.

Tukaraq(Ramaas) June, 4, 2012- Wararka ka imanaya gobolka Sool yaa sheegaya in ciidamo taabacsan kooxda Khaatumo State ay saaka xoog kala wareegeen ciidamada maamulka Puntland kastamka Bari ee degmada Turaq ee gobolka Sool, ka dib markii uu halkaas ka dhacay dagaal aan khasaare badan gaysan oo dhexmaray labada dhinac.

Ciidamada Puntland oo jiidaas ku sugnaa sanno badan, ayaa saaka Waaberiga ka baxay Bariga Tukaraq, waxaana ay gaadheen Tuulada Godqaboobe oo dhanka Bari ka xigta meesha uu dagaalkku ka dhacay.

Ciidamada Khaatumo ayaa dagaalka ka soo qaaday laba aag oo kala ah Buuraleyda Koonfureed iyo banaanada dhanka Waqooyi kaga beegan Tukaraq,iyaga oo maalmahan dambe isu diyaarinyay weerar culus oo ay doonayeen in ay ku qabsadaan dhul baadhan oo ka tirsan Bariga gobolka Sool.

Dad goob joog ah oo ku sugan Tuulada Tukaraq ayaa u sheegay shabakeda wararka ee Ramaasnews in ciidamada Khaatumo ay ku sugan yihiin Kaantaroolka Bari,isla markaana ay cashuuraha ka ururinayaan gaadiidka u kala socda Magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe.

“ Dagaalku wuu dhacay ciidamada Khaatumo ayaa meesha qabsaday ,kuwii Puntland waxa ay joogaan Godqaboobe iyo banka la yidhaahdo Garac –lagu –dhal, cashuurta waa ay guranayaan,laakiin wax dhibaato ah ma gaysanayaan” ayuu yidhi Axmed Cali oo ku sugan Tukaraq.
Conqueror
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1030
Joined: Mon Apr 30, 2012 7:59 pm
Location: "A great civilization is not conquered from without until it has destroyed itself within"

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by Conqueror »

Rightwing wrote:kuwii Puntland waxa ay joogaan Godqaboobe iyo banka la yidhaahdo Garac –lagu –dhal, cashuurta waa ay guranayaan,laakiin wax dhibaato ah ma gaysanayaan” ayuu yidhi Axmed Cali oo ku sugan Tukaraq.
Ramas beenbadana! Creating fake names for areas e kala aqoon. Garac-lagu-dhal waligay ma anan maqal and I don't think such a name exists.
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by Rightwing »

Conqueror wrote:
Rightwing wrote:kuwii Puntland waxa ay joogaan Godqaboobe iyo banka la yidhaahdo Garac –lagu –dhal, cashuurta waa ay guranayaan,laakiin wax dhibaato ah ma gaysanayaan” ayuu yidhi Axmed Cali oo ku sugan Tukaraq.
Ramas beenbadana! Creating fake names for areas e kala aqoon. Garac-lagu-dhal waligay ma anan maqal and I don't think such a name exists.

99.9 somaliwebsites are tabloid!
Conqueror
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1030
Joined: Mon Apr 30, 2012 7:59 pm
Location: "A great civilization is not conquered from without until it has destroyed itself within"

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by Conqueror »

Maybe waa meeshi lagu dhalay Mahad Caambaashe, iileen waa garac e.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by Siciid85 »

lol@Garac lagu dhal. It actually exists.

http://www.callupcontact.com/Sool-c154552.html
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by udun »

Fake news!!!
User avatar
samatar133
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2342
Joined: Fri Jun 18, 2010 9:11 am

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by samatar133 »

well done to khatumo :up: sidaasaa laydinka rabaa inaad u shaqaysaan. The news is not fake
Dhagyaso warka sscradio
http://sscradio.com/playaudio.php?id=150
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by FBISOMALIA »

udun wrote:Fake news!!!
PL in tuqaraak and not in taleex loool , :lol: :lol: :lol: :lol:

Axmed Karaash oo Sawir Ku Soo Galay Kastamka Tukaraq

Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ka mid ah seddexda madaxweyne ee maamulka Khatumo ayaa saaka waabarigi sawiro isaga soo qaaday kastamka magaalada Tukaraq sida ay Taleex Media u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Kastamka ee dawlada Puntland.

Axmed Karaash oo indhaweyd ku sugnaa magaalada Tukaraq ayaa isaga oo ay wehliyaan maleeshiyada ilaaladiisa ah waxaa ay tageen abaraa 7 aroornimo waqtiga geeska Afrika kastamka canshuuraha beriga ee Tukaraq hase ahaate markii ay ciidamada booliska gobolka Sool ay gaadheen kastamka ay ka baxeen Axmed Karaash iyo maleehsiyadii uu hogaaminayay.

Kastamka Tukaraq ayaa waxa gacanta ku haya ciidamo reer Tukaraq oo ah oo hoos taga dawlada Puntland.

Axmed Karaash waxaa uu ahaa ka hor intuusan ku biirin mashruuca Khaatumo wasiirkii duulista iyo hawda Puntland hase ahaate khilaaf soo kala dhexgalay isag iyo madaxda dalwada Puntland ayaa laga xayuubiyay xilkii uu ka hayay Puntland.

Isku day noocan oo kale ah ayaa uu dhawaan sameeyay Axmed Karaash isagoo xiligaa adeegsanayay Cabdifitaax Dhalac hase ahaate waa uu fahsilmay.

Kastamaka ayaa hawlihiisu u socdaan sidii caadiga ahayd waxaana ku sugan shaqaalaha wasaarada maaliyada dawlada Puntland sida uu ku soo waramayo weriyahayaga oo galabta booqday isla markaana dhawaan idiin soo gudbino doonaa muuqalo iyo wareysiyo ka turjumaya xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Tukaraq.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Taleex Media u xaqiijiyay in xukuumada Puntland aysan dib dambe ugu sii dulqaadan doonin daandaasiga nocan oo kale ah ee soo noqnoqday isla markaana ay talaaba qaadi doonto.

Intii uu socday shirkii Taleex dalwada Puntland waa ka gaabsatay iyadoo ka war sugayasay natiijada hase ahaate mashruuca ka soo baxay ayaa waxa uu noqday colaadiisu ku kooban tahay dhinaca Puntland balse aan diyaar u ahayn in laga qayb qaato xoraynta degaamada gacanta ugu jira maamulka Soomaalidiidka.
User avatar
CaliBurco
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Tue Apr 10, 2012 1:36 pm

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by CaliBurco »

Conqueror wrote:
Rightwing wrote:kuwii Puntland waxa ay joogaan Godqaboobe iyo banka la yidhaahdo Garac –lagu –dhal, cashuurta waa ay guranayaan,laakiin wax dhibaato ah ma gaysanayaan” ayuu yidhi Axmed Cali oo ku sugan Tukaraq.
Ramas beenbadana! Creating fake names for areas e kala aqoon. Garac-lagu-dhal waligay ma anan maqal and I don't think such a name exists.
:lol:
User avatar
samatar133
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2342
Joined: Fri Jun 18, 2010 9:11 am

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by samatar133 »

Deg deg- Ciidamada Maamulka Khaatumo State oo Lawareegay Gacan kuhaynta Kastamka Degmada Tukaraq.
Ciidamada Xoogaga Dawlad goboleedka Khaatumo State ayaa Maanta sirasmi ah ula wareegtay gacan ku haynta Kastamka magaalada Tukaraq ee gobolka Sool
.

Horay ayaa ciidamada & Maamulkuba digniin ugu jeediyeen Calooshood ushaqaystayaashii goobtaasi gaadiidka cashuuraha kaga guri jiray, waxayna maanta lawareegeen dhamaaanba howlaha halkaasi ay kaqaban jireen dadka ka calooshood la ciyaarka ah.

Muhiimada Kastamkan.

Kastamka degamada Tukaraq ee ay maanta la wareegeen Gacan kuhayntiisa Ciimada Maamulka Khaatumo Stata ayaa waxaa Lagu cashuuraa dhamaan gaadiidka isaga kala goosha Qaybo kamida Dalka Ethopia, Gobolada waqooyi, deegaanada Khaatumo & Guud ahaan Dhamaan gobolada kale ee dalka Soomaaliya.

Wuuna kamid yahay kaaba yaasha dhaqaale ee deeganada maamulka Khaatumo State ee kusii hadhsanaa Maamulkii horay uga tirsanaayeen shacabka Khaatumo islamarkaana ay dhisteen , laakiin bixiyey, Qaarna laga qabsaday deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Goob joogayaal kusugan degmada Tukaraq ayaa Warbaahinta Codka dawlada u xaqiijiyey inay imika si habsami ah usocoto howlihii cashuurqaadidu, islamarkaana ay qab kayihiin kuwa horay khaatumada useeganaa laakiin hada soo haleelay.

Isku soo wada duuboo waxaa Is daba joog ah guulaha dhincayada badan taabanaya ee usoo hoyonaya Dawlad goboleedka Khaatumo State.

http://www.boocameonline.com/2012/06/04 ... a-tukaraq/
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by Executive »

samatar133, well done :up: I promote you to Khaatumo waterboy, uncle Karaash is thirsty :lol: :up:

Image
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by udun »

FBISOMALIA wrote:
udun wrote:Fake news!!!
PL in tuqaraak and not in taleex loool , :lol: :lol: :lol: :lol:
:lol: :lol: :lol: :lol:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by FBISOMALIA »

udun wrote:
FBISOMALIA wrote:
udun wrote:Fake news!!!
PL in tuqaraak and not in taleex loool , :lol: :lol: :lol: :lol:
:lol: :lol: :lol: :lol:
imagine PL inside tuqaraak and now they free it from PL :lol: :lol: :lol: :lol: , what the irony is that they start to talk like somalidiid and we will see who control those lands PL ama SL proxy militant
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Armed militia of khatumo captured border village

Post by Executive »

FBISOMALIA wrote: imagine PL inside tuqaraak and now they free it from PL :lol: :lol: :lol: :lol: , what the irony is that they start to talk like somalidiid and we will see who control those lands PL ama SL proxy militant

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”