
Munaasabad ballaaran oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano, Aqoonyahano, Wasiiro hore, qeybaha bulshada ayaa maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho, kaasoo Dr. C/raxmaan Macalin C/llaahi oo loo yaqaano C/raxmaan Baadiyow ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada dhaceysa bisha Agosto ee soo socota.
Waxaa Munaasabada hadalo qiimo leh ka jeediyay Mas'uuliyiin isugu jiray Xildhibaano, aqoonyahano iyo qeybaha bulshada, kuwaasoo ku tilmaamay Dr. Baadiyow inuu yahay shaqsi hogaamin kara dalka, isla markaana aqoon yahan ah.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay inuu u arko musharaxan inuu yahay mid dadka iyo dalka bad baadin kara, isla markaana aqoon, iyo aqlaaq wanaagsan u leh howsha hogaaminta dalka
Sidoo kale waxaa hadalo ka jeediyay C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horay u sii noqday sii haye Ra'iisul Wasaare, ayaa sheegay in Dr. C/raxmaan Baadiyow oo saaxib u ah aqoonta uu nin gudan karo howsha madax tinimada iyo inuu dalka ku dhaqo cadaalad iyo sinaan
Xildhibaannadii iyo Mas'uuliyiintii ka hadlay Munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla iyo C/llaahi Maxamed Shirwac, kuwaasoo soo sheegay inay qabaan in murashaxan uu yahay mid dalka iyo dadka badbaadin kara, sidoo kalena leh aqoon, karti iyo aqlaaq fiican oo uu howsha madaxnimo ku gudan karo.
Dr. C/raxmaan Baadiyow oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu u istaago tartanka Madaxtinimada Soomaaliya ee bisha Agosto ee sanadkan dhici doono.
"Sharaf weyn ayay ii tahay inaan u istaago tartanka madaxweynimo ee Soomaaliya ka dhici doona dhawaan, si aan u badbaadiyo dalkeyga iyo dadkeyga," ayuu yiri Dr. Baadiyoow.
Dr. Baadiyow ayaa sheegay inuu tiigsanayo in Soomaaliya ay yeelato xukun ka fog musuq maasuq, isla markaana lagu wada noolaado nabad iyo xasilooni sida uu yiri.
"Waxaan tiigsanayaa Soomaaliya oo yeelata xukun ka fog musuqmaasuq, dadkeeduna kuwada nool yihiin nabad, isla markaana dariskeeda kula nool nabad, waa waajib Islaami ah iyo mid wadaniyadeed inaan isku sharraxo xilka madaxweynimo ee dalkeyga"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaalida aysan u lahayn dhaqan inay is-faaniso, isagoo xusay inuu rajeynayo in Umada Soomaaliya ka samata bixiyo xaalada adag ee ay hada ku sugan yihiin, waxaana uu cadeeyay in xilligii qoriga uu dhamaadan, lana joogo xilligii aqoonta dalka u talin laheyd.
Inkastoo Xilli kala guur uu dalka ku jiro, hadana waxaa la filayaa in 20-ka bisha Agosto ay dhacdo Doorashada madaxtinimada Soomaaliya, kaasoo musharaxiin badan u taagan yihiin tartanka madaxtinimada Soomaaliya.
Musharaxan ayaa noqonaya musharaxii u horeeyay oo Muqdisho kaga dhawaaqo inuu u taagan yahay xilka Madaxtinimada Soomaaliya, xilli Dowladda KMG waqtigeeda uga harsan yahay wax ka yar 90-maalmood.