Page 1 of 1

Somaliland Ministerial delegation received by Kenyan PM

Posted: Wed Jun 06, 2012 3:44 pm
by Khalid Ali
Ra’iisul wasaaraha Kenya oo qaabiley wefti Wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland
June 6th, 2012
Image
Hargeysa (Somaliland.Org)- Ra’iisal wasaaraha Dalka Kenya, MR. RAILA ODINGA Waxa uu maanta 06.06.2012 kulan balaadhan oo ka dhacay Xafiiska ku qaabilay laba wasiir oo ka socda Jamhuuriyada Somaliland, oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane, Xirsi Cali X. Xasan oo booqasho ku joogay Dalka Kenya, gaar ahaan Magaalada Nairobi.

kulankan oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada Dal iyo dardar gelinta xidhidhka is kaashiga, nabad-gelyada mandaqada geeska afrika, iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka qotodada dheer ee labada dal ka xidheeya.

sidoo kale waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xidhiidhka isu socodka Safarada Masuuliyiinta Labada dal, iyada oo dhawaan uu dalkaasi Kenya Booqasho ku tegidoono Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Martiqaad Rasmi ah ka helay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Kenya Mudane Raila Odinga, sidoo kalena uu Ra’iisal Wasaare Raila Odinga isna uu booqasho ku iman doono somaliland taas oo xoojinaysa wada shaqaynta iyo is dhexgalka labada Dal.

Xubnaha Kulankan ka qayb galay waxay ahaayeen sidan:-

1. Ra’iisal Wasaraha dalka Kenya, Mudane, Raila Odinga

2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,

3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane, Xirsi Cali X. Xasan iyo

4. Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya Dr. Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir).

Re: Somaliland Ministerial delegation received by Kenyan PM

Posted: Wed Jun 06, 2012 4:02 pm
by Khalid Ali
We support raile odinga odinga we support the orange democratic movement and the Luo nation :up:

Re: Somaliland Ministerial delegation received by Kenyan PM

Posted: Thu Jun 07, 2012 11:08 am
by SahanGalbeed
He is Obama's cousin , we have no choice but to support him :lol:
Seriously my problem is with the kikuyu dictators in kenya and the way they've treated the somalis in that country , not with Kenya in general