
Saraakiishan katirsan Ciidamada Amaanka ee dawlada Puntland oo uu hogaaminayey Gol.Cabdiwaaxid oo kamid ah madaxda Amaanka ee gobolkaBariiyadoona waftigiisa ay kamid ahaayeen Taliyeyaal sarsare iyo ciidamo kaladuwan oo kamid ah Kuwa Amniga ee Puntland Waxaana ay Saraakiishaasi u tageen Madaxda Markabka la weeraray iyo kuwa deegaanka ee mas’uulka ka ah howlaha marsad u samaynta dekeda Laasqoray.

Mr.Faysal Xawar mas’uul ka ah howlaha marsada u samaynta Magaalada Laasqoray ayaa saraakiisha Amaanka u sheegey in ciidanka Somaliland ay isku dayeen in si ay awoodi kujidho ay u joojiyaan Markabka wuxuuna sheegey in iyagoo shacabka Laasqoray kaashanaya ay weerarkaasSomaliland iska difaaceen islamarkaasna ay awood ku muquuniyeen Ciidamadii Somaliland ee weerarka soo qaaday, Faysal ayaa dhanka kale sheegey in ay si wanaagsan u bilaabmi doonaan howlahani.

Gol.Cabdiwaaxid oo madax u ahaa xubnii ka socday Wasaarada Amaanka Puntland iyo Ciidamada Difaaca ee tagay Laasqoray oo shir kula qaatay Xubanaha ku mashquulsan dhisida marsada Laasqoray iyo Hogaamada markabkii la weeraray kulana shiray markabka gudihiisa ayaa sheegey in Wasaarada Amaanka ee Puntland ay diyaar u tahay una taagantahay markasta difaaca shacabka reer Puntland wuxuuna sheegey inay ka qaybgalayaan howlaha difaaca marsada loo samaynayo magaalada Laasqoray isagoona sheegey in aysan Somaliland marna iskudayi Karin inay hor istaagto in Marsada Loo sameeyo Laasqoray, Dhanka kalena Wuxuu Kornaylku Carabka ku dhuftay in ay ciidamada Amaanka ee Puntland mardanbe u dulqaadan doonin in la carqaladeeyo hormarka shacabka reer Puntland.

Saraakiisha ka socota Laamaha Amaanka ee Puntland ee degdega uga jawaabtay Weerarkii qaawanaa ee Somaliland ay ku doonaysay inay Cunaha ku qabato shacabka reer Laasqoray ayaa tagidooda ay siweyn usoo dhaweeyeen shacabka reer Laasqoray iyagoona saraakiishana ay ku celceliyeen muhiimada ay leedahay Difaaca Puntland, Madaxda ayaa tagtay xili shacabka reer Laasqoray ay sameeyeen Isdifaacis nafsadeed taasoo ay uga dawunaanayaan shucuubta kale ee degta gobolada SSC, Shacabka reer Sanaag ayaa markasta caan ku ah Difaacista jiritaanka Puntland iyagoona markasta iska difaaca Somaliland , Waxaana xusid mudan in guud ahaan gobolka Sanaag ee Puntland aysan ka howlgalin maamulka Somaliland taasoo amaanteeda ay yeelanayaan shacabka reer Sanaag iyo Saraakiisha Amaanka oo wadashaqayntoodu ay aad u sarayso.