
Cutubyo ka tirsan ciidamada booliska badda Puntland PMPF oo shalay 5 June ,2012 gaarey degmada Baargaal ee gobolka Bari ayaa saaka bilaabay howlgalo si degan u socda, shacabka Deegaanka ayaa iyana qaybtooda u fududeynaya Ciidanka iney gutaan shaqadooda, Howlgalka ayaa ka dhan ah Burcad Badeedka. Ciidamada Bileyska Bada ee Puntland PMFP ayaa dhowaanahan ku sugnaa deegaan xeebeedka Bari iyo Karkaar sida Caaluula ,Xaafuun ,Hul-Caanood oo ay ka wadeen hawlgalo lagu raadjoogey kooxo burcad badeeda ah.
Taliyaha ciidamada booliska badda Puntland Col.Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo warbaahinta la hadlay shalay ayaa u xaqiijiyey inay gaareen Degmada Baargaal islamarkaasina lagu soo dhaweeyey.
Laanta Afka Somaliga ee BBC-da isaga oo u waramaya ayuu sheegey in markii ay gaareen degmada Baargaal ay dhinaca badweynta ay ruqaansadeen kooxihi burcada ahaa oo labo markab afduub ugu haystey halkaasi.
Ka hor inta aysan iman Baargaal ayuu sheegey Col.Diiriye inay degmooyinka iyo tuulooyinka ay soo maareen ka sameeyeen olole baraarujin khatarta burcadnimada iyo sharaxaad hawsha ay wadaan oo ah la –dagaalanka burcad badeeda.
Odayaasha dhaqanka inay kulan la qaateen islamarkaasina soo dhaweyeen ololahan ayuu hadalkiisa ugu danbeysiiyey taliyaha ciidamada badda Puntland Col.Cabdirisaaq Diiriye Faarax.
Dhinaca kale Axmed Saalax Geel-Jecel oo kamida odayaasha deegaanka ayaa soo dhaweeyey imaatinka ciidamada badda Puntland degmada Baargaal oo u uu cadeeyey inay ku farxeen ayna tahay waajib la-dagaalanka burcada.
Degmada Baargaal ayaa lagu wadaa in ciidamada badda Puntland ay ka sameystaan saldhig ciidan oo looga gun leeyahay in laga sifeeyo Puntland kooxaha burcad badeeda ah.