isugu jira dil iyo dhac ka
geystay Degmada Afgooye ee
Gobolka Shabeellada Hoose
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Ciidamada
dowladda KMG ah ee ku sugna degmada
Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa
xalay iyo maanta falal isugu jira dil iyo dhac
ka geystay degmadaas, xilli ay maalmihii
ugu dambeeyay dadka ku nool degmadaas
ay ka cabanayeen dhibaatooyin ay kala
kulmaan ciidamada dowladda.
Goobjoogayaal ku sugan degamda Afgooye
ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku
dileen xalay degmadaas wiil dhallinyaro ah,
kaddib markii ay ugu galeen gurigiisa,
iyadoo aan la ogeyn sababtay ay ciidamadu
dilkaas u geysteen.
"Xalay waxaa degmada lagu dilay qof rayid
ah, sidoo kale saakay waxaa laba nin oo
gaari-dameerro wata ay ciidamadu
dowladdu taleefoonno kaga qaadeen mid ka
mid ah xaafadaha degmada," ayuu yiri
goobjooge ku sugan degmada oo HOL la
hadlay inkastoo uu diiday in magaciisa aan
xiganno.
Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay in
ciidamada dowladda ay dhibaatooyin ku
hayaan shacabka ku nool degmadaas, isagoo
sheegay in dhaca dadka loo geysto uu ka
yahay degmada mid faraha kasii baxaya.
"Degmada Afgooye toddobadyo ka hor
waxay ahayd meel nabad ah oo habeen iyo
maalin la socon karo, balse hadda maalintii
xitaa waa la baqyaan, waayo wixii aad
wadato oo dhan waa lagaa qaadanayaa,"
ayuu yiri goobjoogahaas.
Falalkan ayaa waxay imaanayaa xilli ay
saraakiisha dowladda KMG ah uga digeen
ciidamada dowladda ee ku sugan degmada
Afgooye iyo deegaannada u dhexeeya inay
joojiyaan dhibaateynta shacabka, askarigii
lagu helo isagoo dadka dhibaato u geysanaya
laga qaadi doonno tallaabo adag.
Ma jiro hadal kasoo baxay saraakiisha
dowladda KMG ah ee degmada Afgooye ku
sugan kaasoo ku saabsan dilka ay xalay
ciidamada dowladdu u geysteen mid ka mid
ah dhallinyarada ku nool degmada Afgooye
iyo dhaca ay saakay ciidamadu geysteen.
Abdi weli must resign
