Munaasabad loo dhigay 29-arday oo noqonaya ardaydii ugu horeeyey ka baxa kuliyadda Community Development ee guud ahaan Puntland ayaa lagu qabtay jaamacadda Boosaaso.
Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa kasoo qayb galay maamulka Jaamacadda, aqoonyahano, waalidiin iyo arday.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Dr.Maxamed Cali Faarax oo ah horumuudka Jaamacadda Boosaaso isagoo ka warbixiyey ujeedada xafladan loo qabtay sheegayna inay tahay mid loo dhigay dufcaddii ugu horeysey ee arday ah ee Jaamacadda Boosaaso ka baxda.
Dr.Maxamed ayaa dhinaca kale ardayda qalin jebisey ku booriyey inay dadaalkooda sii laba jibaaraan islamarkaana ay xil iska saaraan sidii cilmiga ay barteen oo ah mid muhiim ah ay bulshadoodu ugu faa’iideyn lahaayeen.
Cabdiraxmaan Siciid Muuse (Xaaji) oo ah maamulaha dugsiyada Imamu-Nawai islamarkaana qayb ka ahaa marti sharaftii munaasabadaas lagu casumay ayaa ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay.
Wuxuuna mahad balaaran usoo jeediyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Boosaaso isagoo ardaydana ku booriyey sidii ay aqoontooda usii kororsan lahaayeen maadaama ay waxbarashadu tahay mid aan dhamaan.
Mid kamid ah ardayda qalin jebisey oo lagu magacaabo Siciid Jibriil Cali ayaa isaguna madasha ka hadlay wuxuuna si weyn ugu mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta jaamacadda isagoo sheegay inay wakhti dheer ku bixiyeen sidii ay wax u bari lahaayeen.
Zakariye ayaa dhinaca kale sheegay in farxad weyn ay u tahay inay noqdaan dufcadii ugu horeysey ee Jaamacadda Boosaaso ka baxda islamarkaana ay sii wadi doonaan dadaalka, si nafahooda iyo bulshadaba ay ugaga faa’iideeyaan.
Madaxa xafiiska xiriirka dadweynaha ee shirkadda Golis Maxamed Cabdirashiid ayaa ugu danbeyntii hadalka qaatay wuxuuna u hanbalyeeyey ardayda qalin jebisay isagoo sheegay in Golis ay mar walba diyaar u tahay islamarkaana ay ka go’an tahay sidii ay waxbarashada iyo bahdeedaba ugarab istaagi lahayd.
Xafladan oo ahayd mid loo dhigay ardaydii ugu horeysey ee ka baxda Jaamacadda Boosaaso islamarkaana ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey waxay kusoo gaba gabowdey jewi farxadeed oo aad u sareeya.
University of Bosaso graduation ceremony
Moderator: Moderators
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
University of Bosaso graduation ceremony
- Somaliman50
- SomaliNet Super
- Posts: 5850
- Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm
Re: University of Bosaso graduation ceremony
how many universities does bosaso have? i know of east african university and also the Mogadishu uni (bosaso section), is this the third one?
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: University of Bosaso graduation ceremony
There is also the Puntland State University bosaso branch & Bosaso Collegeabakar20 wrote:how many universities does bosaso have? i know of east african university and also the Mogadishu uni (bosaso section), is this the third one?

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 12 Replies
- 2305 Views
-
Last post by greenday
-
- 1 Replies
- 702 Views
-
Last post by Cumar-Labasuul
-
- 12 Replies
- 1338 Views
-
Last post by QansaGabeyle
-
- 6 Replies
- 1292 Views
-
Last post by gemini07
-
- 1 Replies
- 990 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 6 Replies
- 612 Views
-
Last post by Gladiator=
-
- 0 Replies
- 734 Views
-
Last post by Addoow
-
- 6 Replies
- 840 Views
-
Last post by gemini07
-
- 3 Replies
- 734 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 4 Replies
- 782 Views
-
Last post by reer_boqor