Jun 10, 2012 - jawaab
Xerada Barakacayaasha JAQAF WAA BIR oo laga bilaabay masaajidkii
labaad oo laga dhiso IDP.yada Caabudwaaq.
Masaajidkaan laga wado dhismihiisa xerada barakacayaasha ee JAQAF WAA
BIR ayaa waxaa soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee ay ka koban yihiin
bulshada dagan kaamkan ku waasi oo aan horay u haysan Bayd ay ku
gutaan Cibaadada EEBE uu ku faral yeelay Muslimiintiisa.
Saafi Aadan dhere oo kamid ah Gabdho Degan magalada Lister ee dalka
Ingiriirska aya wada dhisaha masjidkaan oo ah kii labaad ee ay u
dhisaan dadka ku jira xeryaha barakacayaasha Caabudwaaq waxaana ay u
sheegtay bulshada ku jirta Xerada JAQAF WA BIR iyada oo kala hadlaysay
idaacada Radio Caabudwaaq in ay inayku cibaadaystan masaajidkaan
iyadoo intaasna ku dartay nay uraacin doonaan Dugsigi Quraanka iyo
Musqulo.
“Hada dhismaha socda ka sokow waxaa lagaliyay masaajidka biyihii ay
dadku ku waysa qaadan lahaayeen insha ALLAAH waxa ka dhimana waan u
dhamaystirynaa” ayay tiri Saafi Aadan Dheere oo kamid ah Gabdhaha wada
dhismaha Masaajid ay u dhisayan Dadka Barakacayaasha Caabudwaaq.
Xerada Tawakal ayay ahayd Xeradii hore oo ay ka hirgaliyeen Gabdhahan
dagan magaalada Listar Masaajidkii koowaad kaasi oo hada ah mid ay wax
ku bartaan kuna cibaadaystaan dadka ku jira xeradaasi oo gaaraya 400
oo qoys.
Dada ku jira ee dagan xerada JAQAF WAABIR oo ubadan dadka Soomalidu ay
hayb soocdo ayaa iishegay in ay aad ugu faraxsan yihiin Dhismaha
Masaajidka laga blaabay halka ay ku nool yihiin iyagoona ALLE oga
baryay cid kasta oo ka qayb qadatay iyo kuwa damacsanba inuu EEBE ka
ajar siiyo.
Ugu Dambayn Hadaan nahay Bahda warbaahinta Galgaduudnews waxaa idin ku
baraarujinaynaa Akhristayaasha Booqata webkaan Galgaduudnews inaad ka
qab qaadataan dhisaha asaajidkaan oo ah hadii aad wax ku darsato
ijaaro xaga EEBE kaaga soconaysa Noloshada iyo Geeridaada intaba.
Fadlan la so xariir hadii aad wax ku darsanayso Baydka ALLE Gudiga Masaajidkan
Tel:- 0615504983 Sh. Axmed Aadan Dheere
Ama Email:- Kulan105@gmail.com
WTH is Jaqaf waa bir, someone is having a good time naming these IDP camps.

here are some pictures.


