Page 1 of 1

33 students graduate from Imam Malik P & S school

Posted: Mon Jun 11, 2012 8:12 pm
by TheblueNwhite
In Cadaado.

Image

Image

Image

Re: 33 students graduate from Imam Malik P & S school

Posted: Mon Jun 11, 2012 8:13 pm
by TheblueNwhite
Munaasabadan oo ahayd mid lagu sagootinayey arday ka qalinjebisay dugsiga sare ee Imaamu maalik islamarkaana lagu xirayey sanad dugsiyeedka 2011-2012 oo ay soo qaban qaabiyeen dhilinta wax ka barata schoolkaasi ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Imaamu maalik ee Magaalada Cadaado.

Xaflada oo si heersaraa loo soo agaasimay waxa ka soo qeyb galay , mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb, waalidiin, aqoonyahano, ururada haweenka, mas’uuliyiinta iyo Macalimiinta dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Imaamu Maalik.
Qaar kamida mas’uuliyiintii ka soo qeybgalay oo munaasabada hadalo ka jeediyey ayaa kula dar daarmay ardayda ka baxday dugsiga sare inay waxbarashadooda halkaasi ku ekeeyn ayna sii wadaan illaa heer jaamacadeed.
Maamulaha Schoolka hoose dhexe iyo sare ee Imaamu maalik xasan maxamed geedi ayaa faah faahin kooban ka bixiyey tirada ardayda wax ka dhigta schoolka Imaamu maalik.

Goddoomiyaha degmada Cadaado Axmed Salaad Ibraahim oo gebo gebadii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inay geed dheer iyo mid gaaban u fuuli doonaan sidii ardaydan u heli lahaayeen waxbarasho jaamacadeed.
Dhinaca kale qaar ka mida ardayda ka qalinjebisay dugsiga sare ee Imaamu maalik oo aan mikirifoonka la dhex qaaday ayaa sheegay inaysan halkan ku joojin doonin waxbarashadooda oo ay sii wadan doonaan.
Sikastaba ardaydan maanta ka qalinjibisay schoolka Imaamu Maalika ayaa ah dufcadii labaad ee ka qalinjibisa dugsiga hoose dhexe iyo sare ee imaamu maalik.

Re: 33 students graduate from Imam Malik P & S school

Posted: Tue Jun 12, 2012 7:03 am
by TeAmo
:clap: well done to the students go cadado :clap:

Re: 33 students graduate from Imam Malik P & S school

Posted: Wed Jun 20, 2012 1:53 pm
by BlackVelvet
Mashallah the number of schools in this area is inspiring. Go next generation :up: :mrgreen:

Re: 33 students graduate from Imam Malik P & S school

Posted: Wed Jun 20, 2012 2:19 pm
by Talo alle udaa
Well done. Indeed Imam hutuking was right, the Saleebaan are from the Ahlu sunna mashallah :clap:

Re: 33 students graduate from Imam Malik P & S school

Posted: Wed Jun 20, 2012 2:20 pm
by Alshabaibe
Mashallah :up: