Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by grandpakhalif »

Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Degmada Beledxaawo
12. juni 2012

allpuntland

Degmada Baledxaawo ayaaa la sheegayaa inay maanta Isaga baxeen Ciidamada Itoobiya oo halkaas ku sugnaa.

Sida wararka ay sheegayaan Ciidamada Itoobiya ayaa faarujiyay Farasimihii ay ugu jireen degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo Waxaana lasheegayaa in Ciidamadan ay u run qaan sadeen Degaanka Doolow ee ku dhow Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xaalada Degmada Baledxaawo ayaa ah Mid Xasiloon waxaana degmada hada Si wadajir ah gacanta ugu haya Ciidamada Dowlada Iyo Ahlusuna.

Lama Oga sababta dhabta ee kadambaysay in Ciidamada Itoobiya ay dib ugu noqdaan Doolow,lakiin waxaa la tilmamayaa kabixidooda Beledxaawo inuu dabo socdo Qilaafkii kadhashay Degmada Ceelbuur oo ay isku dhaceen Saraakiisha Itoobiya iyo Ahlusuna.

Ciidamada Itoobiyaa ayaa saakay kabaxay deegaan Wabxo ee Gobolka Galgaduud halka maalmo kahorna ay faarujiyeen degmada Ceelbuur islamarkaana ay la wareegeen Al-shabaab.
Sikastaba Dowlada Itoobiya oo horay u shaacisay inay tageerayso howlgalka Midowga Africa iyo Dowlada ayaa hada u muuqata inay dib ugula baxaysa Soomaaliya Ciidamadeeda.

Lama Oga Xaalka Beledxaawo waxaa uu ku dambayn doonto oo ay isaga dhaqaaqeen Itoobiyanka iyadoo Al-shabaab ay ku sugan yihiin qaybo kamid ah Gobolka Gedo.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by grandpakhalif »

Ciidamadii Itoobiya oo maanta isaga baxay degmada Beledxaawo

Ciidamo Itoobiyaan ah oo saldhigyo ku lahaa degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa saaka baneeyay, iyagoo u ruuqaansaday dhanka deegaanka Doolow oo ku dhow xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa sanadkii la soo dhaafay gacan ku siiyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna la wareegitaanka degmada Beledxaawo.

Inkastoo Ciidamada Itoobiya ay saldhigyo ku lahaayeen duleedka degmada iyo halka looga soo galo, hadana Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna ayaa ahaa kuwo magaalada ammaankeeda sugayay.

Xaalada degmada ayaa ah mid xasiloon, iyadoo aan wax saameyn ah ku yeelan ka bixitaanka degmadaas ee Ciidamada Itoobiya, iyadoo inta badan degmooyinka Gobolka Gedo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda.

Ka bixitaankan ayaa ku soo beegmeysa xilli labadii maalmood ee la soo dhaafay Ciidamada Itoobiya ay isaga baxayeen deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay ka mid aheyd degmada Ceelbuur.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by grandpakhalif »

Gedo(GMN) Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ee koonfur galbeed soomaaliya ayaa soo sheegaya inay magaalada Balad-xaawo oo ku taala xadka labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya ee deegaankaasi ku sugnaa muddo ka badan hal sanno iyo dheeraad, ilaa iyo hadana si rasmiya looma oga ka bixitaankaan qarsoodigaa ee ay itoobiya u banaysay Balad-xaawo.



Maanta galinkii hore ayaa dadweynaha magaalada waxay ku baraarugeen militariga itoobiya oo xirxirtay agabkoodii u yiilay halkaasi ayna u jihaysteen dhanka degmada Doolow ee xadka labada dal ee Itoobiya iyo soomaaliya, wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidankan oo daganaa duleedka waqooyi ee magaalada halka loo yaqaan (tuulo aamiin) gabi ahaanba ay ka kaxaysteen dabaabaadkoodii xooganaa iyo hub fara badan oo halkaasi u yiilay sida ay soo sheegayaan wararka aynu ka helayno dadka ku sugan gudaha Balad xaawo.



Goob-jooge magaciisa ku soo koobay Max’uud ayaa Gedoonline u sheegay inuu indhihiisa ku arkay gawaari u badan nooca loo yaqaan Uuraalka inay u dhaqaaqeen dhanka Dooloow, ” Anoo ku sugan duleedka magaalada ayaan hal mar dareemay dhaqaaqa ay samaynayaan ciidamada itoobiya oo waliba wata hub iyo gaadiid culus oo dhanka waqooyi ku jihaysan ” ayuu yiri Max’uud.



Magaalada ayaa hada caadi ah mana jiro wax isbada oo sidaa u buuran oo la dareemay waxaana magaalada hada ku sugan ciidanka DFK iyo kuwa ASWJ waxaana wararku ay soo sheegayaan inay bilaabeen dhaqaaq maadaamaa laga cabsi qabo inay alshabaab soo hunguriyeeyaan.



Fariisamadii militariga Itoobiya oo ay ugu horayso tuulada aamiin ayaa hada haawanaya mana jiraan wax ciidana oo ku sugan, mid ka mida odoyaasha magaalada ayaa Gedoonline u xaqiijiyay inay suura gal tahay inay ciidamada Itoobiya ku soo laabtaan magaalada waxaana la saadaalinayaa inaysan magaalada aad oga fogayn.



Ka bixitaanka itoobiya ee Balad xaawo ayaa ku soo aadaysaa ka gadaal laba maalin ka hor markii ay baneeyeen degmada Ceel-buur iyo Tuulada Wabxo oo ka wada tirsan Gobolka Galguduud labadaas deegaan waxaa hada la wareegay xoogaga alshabaab.



Degmada Balad xaawo ee Gobolka Gedo oo ku taala Galbeedka Gedo ayaa muddo waxaa gacanta ku hayay ciidanka DFK ee Somaliya,kuwa daacada u ah ASWJ iyo ciidamada itoobiya iyo kuwa keenya oo marmarka qaar xadka ku soo dhawaada kuwaasoo xulufo ahaan is garabsanayay tan iyo markii dagaal hubaysan ay kala wareegeen xoogaga alshabaab oo hada Gedo kaga harsan magaalada Baardheere.



Balad xaawo ayaa ka mid ahaa magaalooyinkii soo kobcayay dhinacyada hormarka iyo ganacsigii xiligii dawladii AUN C/laahi yuusuf Axmed waxaana dib u burburiyay dagaaladii ku dhex maray Alshabaab iyo ciidamada DFK ee Somaliya,kuwa Itoobiya Iyo kenya oo isgarabsanaya.



Dhinaca Kale warar laga helayo Degmada Luuq ayaa sheegaya inay todobaadkii ugu danbeeyay ay magaaladaasi soo gaareen ciidamo fara badan oo Itoobiyaana kuwaasoo wata hubka dagaalka iyo gaadiid aad u fara badan kuwaasoo dhaqdhaqaaqooda laga dareemayo buundada Magaalada iyo duleedka gaar ahaan xiliyada habeenkiiya, Nin dhalin yaraa oo lagu magacaabo C/raxman shaakaal oo Luuq jooga ayaa Gedoonline u sheegay inay ciidanka magaalada soo galaan xiliyada habeenkiiya intooda badan isla habeenkii ay gudbaan afkana saara jidka aada magaalada baydhabo.



Ciidankan oo aysan ilaa hada cadayn halka ay ku jihaysan yihiin ayaa wararku qaar waxay sheegayaan inay xoojinayaan furimaha dagaalka ee Gobolada koonfur galbeed ee Soomaaliya waxayna ku soo beegmaysaa xili ay isaga baxeen deegaano ku kala yaal Gobolada Gedo iyo Gal-guduud.

Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silvar)
User avatar
nomadicwarlord
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5946
Joined: Wed Aug 27, 2008 1:56 am
Location: Ayaan Hirsi's guest room

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by nomadicwarlord »

Al-Shabaab will be squatting back to the region. :lol:
User avatar
eliteSomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5746
Joined: Mon Dec 12, 2011 2:29 pm
Location: Jewnited States of America.

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by eliteSomali »

So they're packing?
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by grandpakhalif »

nomadicwarlord wrote:Al-Shabaab will be squatting back to the region. :lol:
They're relocating to Luuq, Gedo and it seems like ethiopion troops are all going there and rumour has it they are headed to Kismaayo.
Lamagoodle
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7334
Joined: Sun Sep 25, 2011 11:20 pm

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by Lamagoodle »

This doesn't make sense other than that the Ethiopians/Kenyans are laying a trap. Beled Xaawo is the last town to strategically evacuate.

What is the point of going to Luuq and the hinerland of somalia when Suuftu can be reached by Al-sheydhaan fire?

Something is fishy here. I think there is a latent agreement or the ethiopians/Kenyans have done a rethinking as regards their involvment.

I was reading on Hiiran online that Ceel buur and some areas have been evacuated.

What we are witnessing my friends is a classical case; capture and retreat because you cannot keep the peace. When you capture a town you should make sure that there are alternative forms of governance that is better than the al-sheydhaans.Unfortunately, what we have instead in all the captured areas is a revival of moryanism; injustice etc.
User avatar
Turbulence
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2635
Joined: Thu Sep 25, 2008 3:06 am
Location: I take my time but I always win

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by Turbulence »

Am I missing something here? When did Xabashi come to Beled Xaawo?
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by Talo alle udaa »

The Ethiopians feel they are not being reimbursed enough for the work they are doing for the "International community". To show how important their contributions has been, i think they are pulling .
The Ethiopians might also pull out of Baidoa, if this is their strategy, which would put pressure on AMISOM & Kenya as well as slow down Kenya's advance to Kismaayu.
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by The`Republic »

Turbulence wrote:Am I missing something here? When did Xabashi come to Beled Xaawo?
Beats me. my brother was there a month ago, no Ethiopian troops. Beled-Xaawo is border town so natural troop movement could be misconstrued as something else. What's the need for Ethiopian troops in Beled-Xaawo when Gedo troops are as far south as Garbahaaray and Buurdhuubo districts?
User avatar
mody21
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1794
Joined: Sun Jan 08, 2012 11:37 pm
Location: Somewhere plotting world Domination....

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by mody21 »

and so begins the march for kismayo I'm rooting for absame and the kenyans.
User avatar
guhad122
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4958
Joined: Tue Mar 20, 2007 4:59 pm
Location: Jubbaland, NFD and DDS!!!

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by guhad122 »

The`Republic wrote:
Turbulence wrote:Am I missing something here? When did Xabashi come to Beled Xaawo?
Beats me. my brother was there a month ago, no Ethiopian troops. Beled-Xaawo is border town so natural troop movement could be misconstrued as something else. What's the need for Ethiopian troops in Beled-Xaawo when Gedo troops are as far south as Garbahaaray and Buurdhuubo districts?
If General Gabre has been Ilko-yarized, then that is a different story but the biggest Ethiopian divisions led by this notorious general has been in Beled-Xaawo since Jan of last year:
http://www.allgedo.com/2011/02/23/warar ... -iyo-luuq/
There is not a single Somali entity that can stand up against the criminal Alshababs. There most powerful of all the factions was Madoobe and he got kicked out too.

Walee Sun-Shine baa ku sheegtay Voltage, waxay tiri "Sida naagaha baa dhiig kuugu dhacaa". He is trying to tell us there was never Ethopian forces in Doolow. Bring something that makes sense.
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by The`Republic »

You posted an article from a 1 year and 6 months ago which might as well be thousand years in Somali politics. I said my brother was there couple months ago:
So my older brother left for Africa today

postby Voltage » Thu Nov 17, 2011 12:46 pm

He will be in Nairobi for a week and in Gedo for 25 days, mostly in Beled-Xaawo area.

viewtopic.php?f=26&t=291075&p=3421525#p3421525
The Gedo troops control fully control every district in Gedo except Baardheere; why would Ethiopian troops be in Beled-Xaawo on the border or be needed when the line is held and extended so far south? Maybe geography is just not your forte.

Image

p.s. Lol @ Madoobe and "powerful".
User avatar
Turbulence
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2635
Joined: Thu Sep 25, 2008 3:06 am
Location: I take my time but I always win

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by Turbulence »

All of my extended family is in Beled Xaawo. There were never any Ethiopians in Beled Xaawo. In fact I have a cousin here who just came from Beled Xaawo on March 10 and she confirms that there were never any Ethiopians the entire time she was there. So much false information is being spread but for what reason I don't know.
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: Ethiopian troops vacate beledxaawo gedo region.

Post by The`Republic »

Turbulence, here is an interview Saadaal had with Gedo commanders who laughed at the idea of Ethiopian troops "leaving" Beled-Xaawo, saying they have not even been there for over a year and it is the Gedo troops who holding the line past Garbahaaray

http://saadaal.com/index.php?option=com ... &Itemid=18
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”