

XOL:Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhigiisa dawlad goboleedka Puntland qado sharaf ugu sameeyey magaalada Addisababa oo ay labadooduba kusugnaayeen.muddooyinkan danbe.
Cabdi Maxamuud Cumar madaxweynaha DDS oo ay weheliyaan masuuliyiin katirsan xukuumaddiisa iyo afhayeenka baarlamaanka deegaanka Maxamed Rashiid Xaaji oo matalayay dhanka DDS meesha maamulka Puntland ay madashaasi ka joogeen wafti balaadhan oo uu hormuudayay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.
Qadadan dusheeda ayaa labada dhinac la isdhaafsadey arimo badan oo la xidhiidha wadashaqeynta labada dhinac iyo xiriirka guud ee labada shacab iyadoo kaftan badanna la isweydaarsadey.

Cabdiraxmaan Faroole oo ah markii ugu horeysey ee ay is hor fadhiistaan madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar ayay xukuumaddiisu in badan raadineysey wanaajinta xiriirka labada xukuumadood iyadoo hadda ka hor Faroole uu kasoo baxey hadal aad uga xanaajiyey guud ahaan shacabka Soomaalida DDS iyo umadda Soomaaliyeed oo ahaa in shacabka ku nool DDS ee Soomaaliyeed aysan ahayn Soomaali waxaana maanta cad inuu marti u yahay madaxweynaha Dawladda Deegaanka “Soomaalida”.
Kulankan labada dhinac ayaa ku dhamaadey guul iyo is afgarad iyadoo lagu balamay in la yeesho wada shaqeyn wanaagsan oo ka xeel dheer intii hore.
Xaajo.com