
Source: http://azaania.org/?p=2246
Waa sidee Ganacsiga Magaalada Dhoobley
Waa magaalo isku xirta Ganacsiga deegaanada Azaaniya iyo Gobolka W/bari Kenya waxaana jira kor u kaca balaaran oo magaaladaasi laga dareemayo dhanka ganacsiga.
Waxaa jira badeecooyin badan oo dhoobley la geeyo kuwaas oo laga qaado dhanka Kenya sidoo kalena waxaa jira xidhiidh Ganacasi oo ay magaaladani la leedahay magaalooyinka Kismaayo iyo Mudqdisho dadka ku nool magaalada Dhoobley ayaa inta badan ka macaasha gaadiidkooda oo kala gudbiya waxyaabaha u kala goosha gobolka W/bari Kenya iyo deegaanka Azaaniya.
Kor u kaca laga dareemayo magaalada Dhoobley waxaa sal u aha amaanka ka jira deegaanada ay joogaan ciidamada dawlad goboleedka Azaaniya oo iyagu marwalba u taagan nabad galiyada iyo Amniga dadkooda sidii ay u ilaalin lahaayeen .
Korarka dhaq-dhaqaaqa ganacsiga wuxuu ku sii fidayaa magaalooyin badan oo deegaanada Azaaniya ka tirsan gaar ahaan kuwa dhinaca xeebta ku yaala.
Source: http://jubbalandnews.com/?p=7685
