Waxaa soo baxayo warar xaqiijinayo in ganacsadaha la yiraahdo Saacid Faarax Garaad uu u sharaxan yahay doorashada madaxweynenimo ee Somalia oo la qaban doono bisha August ee sanadkan.
Saacid oo dhawaan magaalada Nairobi kaga dhawaaqay madal siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Rajo ayey cadaatay in uu kamid yahay musharixiinta u taagan doorashada maalmo ka hor markii uu magaciisa ka muuqday toddoba musharax oo doorashadaas ka qeybgeli doono, kuwaasoo Muqdisho ka soo saaray war saxaafadeed ay walaac kaga muujinayaan xaaladda dalka iyo sida ay wax u wadaan madaxda ugu sareysa DKMG.
Hoggaamiyaha madasha Rajo ayaa la sheegayaa in uu kamid yahay musharixiinta ugu cad-cad ee doorashada ka qeybqaadanayo, isagoo haatan ku sugan magaalada Muqdisho, halkaasna ka wado abaabul iyo olole uu doonayo in uu ku noqdo madaxweynaha xiga ee dalka.
Saacid Faarax Garaad waa nin muddo dheer ganacsade ahaa, islamarkaana degan dalka Kenya, waxaa dadka yaqaano ay ku tilmaameen shakhsi wadani ah oo ku wanaagsan hoggaaminta.
Doorashada madaxtinimo ee Somalia waxaa isku soo sharxay musharixiin fara badan oo intooda badan qurbaha ka yimid, mana cada cidda loo wado ee wadamada dariska iyo ururrada dowladda KMG gacanta ku hayo ay u dhiibi doonaan, maadaamaa maanta aysan shacab Soomaaliyeed waxbo dooraneyn.
Waxaa kaloo la sheegayaa in musharixiintu kamid yihiin madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisal wasaare Cabdiweli Gaas.
Waxaa haatan musharixiintu ku qulqulayaan Muqdisho oo uu ka socda shir ay leeyihiin odayaasha dhaqanka oo soo xulayo baarlamaanka cusub iyo xubnaha ansixinayo dastuurka qabyada ah.
Gedoweb News Desk
Saacid Faarax Garaad running for president.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
grandpakhalif
- SomaliNet Super

- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super

- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: Saacid Faarax Garaad running for president.
I whole heartedly endorse Saacid
He is a very decent man.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 40 Replies
- 4105 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 38 Replies
- 551 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 8 Replies
- 5008 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 7 Replies
- 961 Views
-
Last post by SecretAgent
-
- 2 Replies
- 660 Views
-
Last post by original dervish
-
- 9 Replies
- 16298 Views
-
Last post by Faarax-Caytame
-
- 5 Replies
- 1001 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 9 Replies
- 90 Views
-
Last post by union
-
- 15 Replies
- 2075 Views
-
Last post by mody21
-
- 12 Replies
- 1420 Views
-
Last post by Mr Bile