Somaliland vice president returns back home

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Somaliland vice president returns back home

Post by Khalid Ali »

Madaxweyne Ku xigeenka oo si weyn loogu soo dhaweeyay dalka, kana hadlay Socdaalkiisii Sweden
June 18th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo weftigiisii oo socdaal shaqo oo qaatay muddo laba todobaad iyo dheeraad ah ku tagay dalalka Sweden, Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo maanta ka soo degay madaarka Magaaladda Jig-jiga ee dalka Itoobiya waxa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay Wasiirrada Beeraha, Warfaafinta, Macdanta iyo Biyaha, Dib dejinta, Afhayeenka Madaxtooyadda iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku xigeenka waxa magaalladda Wajaalle si weyn ugu soo dhaweeyay salaadiin, waxgarad iyo Boqolaal qof oo ka mid ah bulshadda ku dhaqan magaaladda Wajaalle ee gobolka Gabiley. Waxaanu qadar socod ku dhex maray magaaladda Wajaalle.

Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal u jeediyay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa u mahad celiyay masuuliyiintii iyo bulshaddii ku soo dhaweeyay soo guryo-noqoshadiisa.

“Dalka Sweden socdaalkii aanu ku tagnay wuxuu noogu soo dhamaaday guul, waxaana aanu u gudbinay Ha’yadaha iyo dawladda Sweden qorshihii qaran ee wasaaradda qorshaynta qaranku ay ku dejisay barnaamijkii horumarinta ee shan sanadoodlaha ahaa. Waxaana aanu kala hadalay inay naga gacan siiyaan qorshaha xukuumaddu samaysay oo mudnaanta aanu kala siinay baahiyaha dalka,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa kale oo uu u mahad celiyay jaaliyadda Somaliland oo uu xusay inay weftigiisa si weyn ugu soo dhaweeyeen dalkaasi isla markaana ay uga xog-warameen xaaladda dalka.

Madaxweyne Ku xigeenka waxa socdaalkiisan ku weheliyay Wasiirka Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Hawlaha guud Md. Cali Cabdi Saa’iq, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timacad), Maayar Ku xigeenka magaaladda Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh.

Waxa kale oo ay Madaxweyne Ku xigeenku uu socdaalkiisii Sweden ka hor uu soo maray dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula yeeshay Madaxda dalalkaasi iyo dublamaasiyiinta shisheeyeba.
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Somaliland vice president returns back home

Post by Khalid Ali »

Image

Image

Image

Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”