Kenya's defense minister the new interior Minister

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Kenya's defense minister the new interior Minister

Post by Khalid Ali »

Wasiirka Difaaca dalka Kenya Yuusuf Xaaji oo loo magacaabay sii hayaya xilka wasaaradda Amaanka Gudaha Kenya
Talaado, June 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki ayaa u magacaabay wasiirka gaashaandhigga Kenya, Yusuuf Maxamed Xaaji inuu noqdo sii hayaha xilka wasaaradda ammaanka gudaha ee Kenya, kaddib markii wasiirkii hore ee wasaaraddan uu ku dhintay shil diyaaradeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo wasaaradda ammaanka gudaha ee Kenya ayaa waxay ahaayeen laba wasaaradood oo si wadajir ah ugu lug lahaa howgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Toddobaadkii hore ayuu shil diyaaradeed oo ka dhacay duleedka Nairobi waxaa ku dhintay wasiirkii hore ee wasaaradda ammaanka gudaha Kenya, Prof. George Saitoti, ku xigeenkiisii Orwa Ojode iyo afar ruux oo kale oo ay ku jiraan labadii duuliye.

Yuusuf Xaaji oo ay si dhow u wadashaqeyn jireen Saitoti ayaa soo dhaweeyay xilka loo magacaabay inuu sida KMG ah u sii hayo, waxaana sidoo kale tallaabadan laga soo dhaweeyay gobolka uu kasoo jeedo ee waqooyi-bari ee Kenya.

Dowladda Kenya ayaa waxay tan iyo sannadkii hore dhammaadkiisa kula dagaalamaysay gudaha Soomaaliya xoogagga Al-Shabaab, waxayna mas'uuiyiinta Kenya horay u sheegeen in qorshahoodu yahay inay qabsadaan Kismaayo.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa waxay horraantii bishan si rasmi ah ugu biireen ciidamada AMISOM, kaddib markii heshiis arrintaas ku saabsan ay kala saxiixdeen Kenya iyo Midowga Afrika.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”