Page 1 of 1

PL first company that produce Soap "pics"

Posted: Tue Jun 19, 2012 1:29 pm
by FBISOMALIA
Image

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay islamarkaana xarigga looga jarayey warshad cusub ayaa ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal.

Waxaa kasoo qeyb galay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland, ku xigeenka rugta ganacsiga, wasiirka ganacsiga iyo marti sharaf kale.

Warshadda ayaa lagu magacaabaa Ilays, waana warshad soo saarta Saabuunta, iyadoo uu xariga ka jaray gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland.

Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay Muuse Cali Cabdullaahi oo ah mas’uulka u qaabilsan warshaddan Puntland, isagoo ugu horeyn u mahad celiyey xukuumadda madaxweyne Faroole, sheegayna in ay aad ugu faraxsan yihiin in xarun cusub ay Garoowe ka futaan.

Waxaa sidoo kale madashada ka hadlay ku xigeenka rugta ganacsiga Saciid Xuseen Ciid oo sheegay in loo baahan yahay in warshado badan laga hergaliyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland, maadaama ay warshaduhu halbowle u yihiin koboca dhaqaalaha iyo xoojinta wax soo saarka dalka.

Image

Ugu danbeyntii waxaa goobta ka hadlay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xasan Faarax Shire, wasiirka ayaa u mahad celiyey mulkiileyaasha wershedda Ilays, wuxuuna ganacsatada kale ku booriyey inay dalkooda maal gashtaan.

Image

Waa markii ugu horeysey ee wershedda Saabuunta ee Ilays oo xarumo badan ku leh dalka Soomaaliya laga furo magaala madaxda Puntalnd ee Garoowe.

Re: PL first company that produce Soap "pics"

Posted: Tue Jun 19, 2012 1:45 pm
by Awe
Making something out of nothing. :som: :up:

Re: PL first company that produce Soap "pics"

Posted: Tue Jun 19, 2012 3:35 pm
by quark
:up:

Re: PL first company that produce Soap "pics"

Posted: Tue Jun 19, 2012 3:38 pm
by tightrope
:up:
Image ImageImage

Re: PL first company that produce Soap "pics"

Posted: Tue Jun 19, 2012 4:38 pm
by Conqueror
Guul iyo Hormaar. :up:

Are there washing machines in Puntland? Laundries?

Re: PL first company that produce Soap "pics"

Posted: Tue Jun 19, 2012 5:04 pm
by FBISOMALIA
Conqueror wrote:Guul iyo Hormaar. :up:

Are there washing machines in Puntland? Laundries?
if xamar has one lately what about PL :ugeek:

Re: PL first company that produce Soap "pics"

Posted: Wed Jun 20, 2012 2:46 am
by whitehartlane
masha'allah,.....