Yuusuf Xaaji oo laba wasaaradod isku haysta.

ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Yuusuf Xaaji oo laba wasaaradod isku haysta.

Post by ina aadan »

Nairobi, 18-Jun-2012 - Wasiirka Gaashaandhiga ee Kenya, mudane Maxamed Yusuf Xaaji, ayuu Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki, u magacaabay jago labaad, taasoo ah Wasiirka Ammaanka Gudaha ee Kenya.

Madaxweyne Kibaki ayaa waxaa kale oo uu u doortay mudane Yusuf Xaaji Xafiiska sii haynta Xafiiska Xiriirka Gobollada Kenya.

Yusuf Xaaji oo kamid ah siyaasiyiinta ugu tunka weyn dalka Kenya, waxaa booskan labaad ee loo magacaabay dhawaan ka geeriyooday Prof. George Saitoti, kaasoo ku dhintay shil diyaarad helicopter ah, isaga iyo Ku-xigeenkiisi, Orwa Ojodeh.

Mudane Yusuf Xaaji iyo Prof. Saitoti ayaa ahaa labo masuul oo aad uga wadashaqeynayey howlgallada Ciidanka Difaaca Kenya ee gudaha Soomaaliya, iyo sugidda ammaanka Kenya.

Wabishabeele.com
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34540
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Yuusuf Xaaji oo laba wasaaradod isku haysta.

Post by Hyperactive »

suaal ma idin weydin kara idinko raali ah? why you guys feel proud kan kenya o shaqeeya and kan o shaqeeya ethiopa wad la dirir santihiin!

sow gumaysi, gumaysi on ma aha?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”