








Waxaa dayactir iyo balaarin lagu samaynayaa Airport-ka magaalada Cadaado ee caasimada maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb iyadoo xilligan ay ka socoto shaqo balaaran.
Maxamed Aadan Eng ka ah hawsha ka socota Airpor-ka ayaa warbaahinta u sheegay in shaqadan ay bilaabatay dhawr maalmood ka hor ayna isugu jirto balaarinta Airport-ka iyo dhismayaal lagu soo kordhinayo.
Hawshan ayaa waxaa si gaar ah u fulinaysa shirkada iska leh garoonka, iyadoo Airpor-ka la gaarsiinayo ilaa heer caalami ah, qalabkiisana loo dhamaystirayo sida uu inoo sheegay Eng Maxamed Aadan