Maxay Diinta ka qabtaa Tusbaxa?
Al-Callaama Sheekh Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani -Eebbe ha u naxariistee- wuxuu ku yiri as-Silsila ad-Daciifa (1/110) markuu faaqidayey Xaddiiska "نعم المذكّر السبحة" ”muxuu wax lagu digriyo yacni lagu xasuusto oo wanaagsan Tusbaxa uu yahay” waa (Xaddiis lagu been abuurtay Nebiga ammaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee): Midda kale Xaddiiska marka laga eego macnihiisa waa waxba kama jiraan agteyda arimahan soo socda dartood:
Midda koowaad: Tusbaxa waa Bidco aan jirin waqtigii Nebiga ammaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee ee waa Bidco timid gadaashiis a.n.k. sideena ku suurtageli kartaa inuu Nebiga a.n.k. ku boorriyo Asxaabtiisa arrin aysanba garaneyn? Waxaana Daliil u ah waxaan sheegayo waxa uu ku tebinayo Ibnu Waddaax ”البدع والنهي عنها” isagoo ka tebinaya as-Salt Ibnu Bahraam inuu yiri: Wuxuu ag maray Ibnu Mascuud Eebbe ha ka raalli ahaadee qof dumar ah oo heysata Tusbax ay ku wardineysey dabadeed intuu ka gooyey ayuu tuurey ka dibna wuxuu soo ag maray nin ku wardinaya dhagxaan yaryar wuxuuna kaga tuurey lugtiisii ka dibna wuxuu yiri: Waad hormarteen waxaadna ku dhacdeen Bidco xadgudub ah, waxaadna ka dheereeseen aqoon ahaan Asxaabta Maxamed ammaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee, tebintana wey sugan tahay ilaa as-Salt, wuxuuna ka mid ahaa dadka lagu kalsoon yahay ” ثقة” ee raacay Taabiciyiinta.
Midda labaad: Wuxuu ka soo horjeedaa hanuunkiisa ammaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri CabduLlaahi Ibnu Camri: Waxaan arkay Rasuulkii Eebbe ammaanta Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo ku xisaabsanaya wardiga farihiisa midig.
Wuxuu ku yiri Sheekh Albaani sidoo kale (1/117): Hadduu Tusbaxa lahaan lahaa oo keliya hal shey oo xun taas oo ah inay booska kala wareegtay Sunnada tirinta wardiga faraha midig ama ay ku dhawaatay iyagoo isku raacay inay tahay sida ugu wanaagsan wardiga oo lagu tiriyo faraha midig, taasaana xumaan ugu filan. Maxaa yeelay yaraan badanaa intaan arko Sheekh ku wardinaya farihiisa midig!
Midda kale dadka waxay u sameeyaan Bidcadan siyaabo kale duwan, waxaad arkeysaa qaar ka tirsan mid ka mid ah dariiqooyinka oo qoorta ugu jirto Tusbax! Qaar iyaga ka mid ahna wuxuu tirinayaa Tusbixii isagoo kula hadlaya ama dhegeysanaya hadalkaada! Kii ugu dambeeyay oo aan arkana maalin dhaweyd wuxuu ahaa nin saaran baaskiil caadi ah oo ku dhex wada jid dad badan oo ciriiri ah mid ka mid ah gacantiisana ay ugu jirto Tusbax! Waxay u muujinaayaan dadka ineysan hilmaameyn Digriga yacni xuska Eebbe ilbiriqsi xataa. Waxayna inta badan sabab u noqotaa Bidcadan in la dayaco wax waajib ah. Waxaan la kulmay in badan – ayna la kulmeen sidoo kale dadka kaleba – inaan salaamay mid iyaga ka mid ah iigana qaaday salaantii baaq ahaan isagoo aan ku dhawaaqin salaantii. Xumaanta ay leedahay Bidcadan lama soo koobi karo, maxaa ka wanaagsan wixii uu yiri gabayaaga:
Wanaag oo dhan wuxuu ku jiraa in la raaco wixii hore ”Salafka”
Xumaan oo dhanna waxay ku jirtaa wixii cusub ee gadaal ka yimid ”Bidcada”
Diyaariye CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ”ina Warfaa” ina_warfaa@hotmail.com http://www.freewebs.com/ina-warfaa
Maxay Diinta ka qabtaa Tusbaxa?
Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods
-
- Posts: 51
- Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
- Contact:
-
- SomaliNet Super
- Posts: 10831
- Joined: Fri Feb 29, 2008 4:55 am
- Location: Stonetown, Zanzibar
Re: Maxay Diinta ka qabtaa Tusbaxa?
There's far more important things to talk about....tusbax waxba aku marmarsoonina...adiga iyo shuyuukhdaaduba.
- Somaliman50
- SomaliNet Super
- Posts: 5850
- Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 813 Views
-
Last post by abuu_dujaana
-
- 9 Replies
- 1248 Views
-
Last post by Maandhow
-
- 0 Replies
- 742 Views
-
Last post by ina Warfaa
-
- 2 Replies
- 608 Views
-
Last post by Turbulence
-
- 7 Replies
- 1913 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 3 Replies
- 1015 Views
-
Last post by sahal80
-
- 0 Replies
- 372 Views
-
Last post by Baansiin
-
- 2 Replies
- 385 Views
-
Last post by Kalashnikov