AFHAYEENKA XARAKADA
AL-SHABAAB: "Soomaaliya
waxaa ka jira laba
dowladood oo kala madax-
bannaan"
Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Afhayeenka
Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali
Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa
ka sheegay in Soomaaliya ay xiligan ka
jiraan laba dowladood oo kala madax-
bannaan.
Sheekh Cali Dheere ayaa hadalkan ka
sheegay kulan ay la yeesheen mid ka mid ah
beelaha daga gobolka Bay, kaasoo ay heshiis
ku kala saxiixdeen, wuxuuna xusay in iyagu
ay yihiin dowlad ka talisa inta badan
Soomaaliya.
"Soomaaliya waxaa ka jirta labo dowladood,
mid waa tan gaaladu wadato, midna waa
midda ay Islaamku wataan oo ka talisa dhul
ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla kuna
dhaqanta diinta Islaamka," ayuu yiri Sheekh
Caali Dheere.
Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in
iyagu ay ka taliyaan dhul gaaraya saddex
kun oo kiiloo-mitir, kaasoo u dhexeeya
degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo
degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
"Beesha Hubeer waxaan ugu baaqayaa inay
qayb ka qaataan dagaalka la doonayo in
ciidamada Itoobiya looga saaro degmada
Qansax-dheere iyo deegaannada ku dhow,
waxaana qof walba oo beeshan ka mid ah
looga baahan yahay inay diyaar u noqoto
sidii ay dagaalkaas uga qaybqaadan
lahayd," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Xarakada Al-shabaab oo dhul ballaaran laga
qabsaday tan iyo billowgii sannadkan ayaa
haddana waxay weli ka taliyaan dhul
baaxad leh oo Koonfurta iyo Bartamaha
Soomaaliya ku yaalla, halkaaso oay kula
dagaalamayaan ciidammo ka socda dalalka
dariska la ah Soomaaliya iyo AMISOM.
Hadalka afhayeenka Al-shabaab ayaa
wuxuu imaanayaa xili ay xarkada saaran
yihiin culeysyo milateri oo la doonayo in
dhulka ay hadda gacanta ku hayaan looga
saaro iyo iyadoo mas'uuliyiinta sarsare ee
kooxdan la dul-dhigay madaxfurasho
lacageed.
Sheikh Ali Dheere: There are two Governments in Somalia
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Sheikh Ali Dheere: There are two Governments in Somalia
Al-Shabab recongises Somaliland surprise surprise



-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Sheikh Ali Dheere: There are two Governments in Somalia
Executive wrote:Al-Shabab recongises Somaliland surprise surprise![]()

did you even read the text
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 10 Replies
- 829 Views
-
Last post by Jabuutawi
-
- 3 Replies
- 717 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 4 Replies
- 1028 Views
-
Last post by jamal9
-
- 0 Replies
- 477 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 23 Replies
- 5298 Views
-
Last post by Moguul21
-
- 0 Replies
- 805 Views
-
Last post by TheLoFather
-
- 38 Replies
- 5120 Views
-
Last post by Cilmiile
-
- 91 Replies
- 5024 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 32 Replies
- 2676 Views
-
Last post by sahal80
-
- 2 Replies
- 787 Views
-
Last post by GeorginaBird