
Nairobi(Pi)Gudoomayaha Rugta Ganacsiga & warshadaha Puntland Mudane maxamuud Xayir Ibrahim ayaa Magalada Nairobi ee dalka kenya Wuxuu maanta Kula kulamay Safiirka Dalka iran u qaabilsan Soomaliya Mr Malek Hussein Givzad.
Gudoomiyaha yaa kala hadaly Danjirah cusub ee daka Iran u fadhiya Magalada mogadushu sidii xiriirka ganacsi ee Puntland iyo Iran la isugu furi lahaa, madama ay jirana fursado Ganacsi oo labada dhec ka wada faaiidaysan karaan.
Danjiyre Malek Hussein ayaa balan qaday dhankiisa in fursadaan ay ka faaiidaysandoon kuna dhiiri gelin doonaan ganacstada reer iran sidii ay xiriir ganacsi ula yeelan lahayeen Puntland.
Dhanka kale Waxaa danjiruhu ka dhawaajiyey in dhowaan ganacsto reer Iran ah ay sahmin doonaan Ganacsiga iyo fursadaha Maalgashiga ee Puntland.
ugu danbeeyntii Gudoomiyaha rugta gancsiga Puntlandd ayaa soo dhoweyey Dadaalada uu wado Danjiraha cusub ee dalka iran sidoo kale dhankisa balan qaday in fursadaan ay ganacstada reer Puntland ka faaidaysan doonaa.
