Labada dawladood Somaliland iyo somaliya iyo dawlada Britain oo hawsha isku duba ridkeeda lahayd waxay ka taxadirtay
Marka hore waxaan salamaayaa shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan marka xigta waxaan salaamayaa saxaafada Somaliland kuwooda fahansan waajibka ay qaranka u hayaan,,
Waxa shalay oo taariikhdu ahayd 21/6/2012 lagu soo gunaanaday shirkii ugu horeeyey ee ay yeeshaa xukuumada somliland iyo maamulka TFG somaliya waxana kalunkaa ka soo baxay sided qodob oo labadii dhan ee wada hadlaayey u arkayeen duul ay gaadheen,
MUXUU HADAA WADA HADALKU
Labada dawladood Somaliland iyo somaliya iyo dawlada Britain oo hawsha isku duba ridkeeda lahayd waxay ka taxadirtay in miiska la soo saaro wax dawladi diidi midina taageerto isla markaana aanu kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey lagu kala kicin ee wuxuu la isla meel dhigo, arintaasina way ku guulaysatay dalwada Britain, inkastoo qodobadu aanay ahayn kuwo nuxur badan oo sacabka loo garaaco xanbaartsan dhan walba, hadana ujeedadii laga lahaa oo ahayd waa is arkay waana is fahmay way la gaadhay. Sida ay u fakarayeen dadka ku kala dhaqan Somaliland iyo somaliya isla markaana aan siyaasada wax badan kala socon’ wuxuu ahaa in dawlada somaliya markiiba miiska saarayso midnimo iyo aan dib isugu noqono, halka shacabka Somaliland maskaxdooda ay ka guuxaysay kalmada ugu horaysa ee afka waftiga ka soo baxaysa marka ay shirka tagaan ahayd na aqoonsada, laakiin qaabkan hawshan loo waday way ka duwanayd waxaas oo dhan..
Waxa kale oo wada hadalkan dawlada Britain gadhwadeenka ka ahayd looga gol lahaa in la abuuro is fahan taxadir ka muuqdo isla markaana dhan arimaha siyaasada laga hor mariyo adeegyada aasaasiga sida amaanka, caafimadka, biyaha, arimo kale oo u muuqday in la isugu soo dhaweynaayey labada qafti si aanay doodu u noqon mid kulul..
SHACABKA SOMALILAND MAXAA LA GUDBOON
Shacabka Somaliland waxay doonayaa aqoonsi waxay doonayaan dawlad madax banaan, waxay doonayaa in ay helaan waxay ku ilaawaan dhibkii soo maray, iyo waxyaabo kale oo badan
Hasayeeshee waxaas oo dhan dariiqii ay u mari lahaayeen iyo halkii ay ugu hagaagi lahaayeen iyo meesha ay ka xigaan waxaas iyo waxyaabo kale oo badani ma garanayaaan in badan oo shacabka Somaliland ka mid ah,,
Waxaan u soo qaadanayaa tusaale yar
( koobka shaaha ee la cabo waxa uu ka kooban yahay 6 qodon
1- Waa in aad haysataan weelka wax lagu Karin karo
2- waa in aad haysataan sonkor
3- Waa in aad haystaan caleenta madaw ama shaah madaw
4- Waa inaad haystaa dabkii aad ku karsan lahayd
5- Waa in aad haystaa Caanihiii
6- Waa in aad haystaa wiilkii aad ku cabi lahayd marka uu kuu bislaado
Marka koobka shaaha oo ah wax ugu hor bislaada waxyaaba aynu karsano uu u baahan yahay lix qodob bal u fiirsada laba dal oo doonaaya in ay kala go’aan, miyeydaan fahansanyn in dadkan ay ka dhaxeeyeen hanta aad u badan iyo qaranimo buuxda..
1- Wadankii waxa lagu lahaa dayn badan
2- Wadanku wuxuu lahaa safaarado aduunkoo dhan ka shaqeeya
3- Wadanku wuxuu lahaa diyaarado
4- Wadanku wuxuu lahaa maraakiib
Iyo waxyaabo kale oo badan markaa waxaan qabaa in loo baahan yahay bilow ilaa dhamaad hawsha in loo wado sidii dalalkii Somaliland ka horeeyey ee helay aqoonsiga
UGU DAN BAYNTII WAXAAN UGU BAAQAYAA SHACABKA SOMALILAND
Shacabaw wadankeena waxaynu u soo marnay hawl aad u baaxad weyn oo dhib badan isla markaana maanta aynu haysano natiijadeedii mar hadii aynu nabad ku socono wadanka somaliland koone ka koone, waxaana la inoo baahan yahay in ay yarayno faalooyinka siyaasada oo u leexahano dhanka haru marka iyo wax qabsiga isla markaana degdega iyo maxay waxani sidan u noqon waayeen markiiba aynaan ku doodin ee aynu eegno hawshu culuyska ay leedahay,,
(SOMALIDUNA WAXAY KU MAAHMAAHDAA WAX RAG KAA GALAY RAKO KAA GALE)
Sacad ciise cumar
Berbera Somaliland
e-mail
f_bihaary@hotmail.com