Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo soo daayay maxaabiis
Posted: Sun Jun 24, 2012 11:51 am
“43 Qof Ayaa Nalagu Soo Wareejiyay Ka U Yarina Wuxuu Ku Xukunaa 15 Sano Oo Xadhiga, Arrinkaasina Wuu Naga Dhamaaday”
Hargeysa, June 24, 2012 (Haatuf) – 43 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Baligubadle ee gobolka Hawd oo dabayaaqadii bishii September 2011-kii ay ciidanka Liyuu Booliska Kililka shanaad ee Itoobiya ay xabsiga Jigjiga u taxaabeen, isla markaana ay xukuno kala duwan ay ku riday Maxkamada Kililka shanaad ayaa shalay si rasmiya xoriyadooda loogu soo celiyay.
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah madaxdhaqmeedyada ka hawlgalay soo daynta xubnahaasi oo shalay galab Haatuf khadka Telephone-ka ugu waramay isagoo ku sugan magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya ayaa noo xaqiijiyay in xubnahaasi xabsiga Jigjiga ku xidhnaa muddo ku dhaw sagaal bilood lagu wareejiyay, isagoo Suldaanku arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Qadiyada xubnahaasi ku xidhnaa xabsiga Jigjiga galabta ayaa si rasmiya xoriyadoodii loogu soo celiyay, waana 43 nin oo ka u yari 15 sano oo xadhiga ku xukunaa, halka qaar kalena ay ku xukunaayeen xabsi daa’in, sidaa darteed waa nalagu soo wareejiyay dhamaantood-ba, muddo sagaal bilooda ayaanay xabsiga Jigjiga ku xidhnaayeen, sidaa darteed arrinkaasi xadhigoodu maanta ayuu si rasmiya noogu dhamaaday”
Xubnaha xabiga Jigjiga laga soo daayay ayay ciidamada Liyuu Booliska kililka shanaad ee Itoobiya ka qabteen badhatamihii bishii September 2011-kii deegaanka Dacawaley ee kililka shanaad ee Itoobiya, xilligaas oo colaado beeleed ay ka aloosnaayeen deegaanka