Somaliland: Cigaal International airport under construction

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Somaliland: Cigaal International airport under construction

Post by Khalid Ali »

Shirkadda China Horn Group ee Madaarka Hargeysa dhisaysa oo qalabkii muhiimka ahaa maanta Berbera aka soo dajisay
Image
Berbera(Waaheen) Shirkadda CHINA Horn Group ee dhisaysa dhabada Diyaaraduhu ka haadaan ee Garoonka Cigaal Airport ee Hargeysa ayaa maanta Qalabkii ugu muhiimsanaa kala soo degtay Dekedda Berbera, kadib markii qalabkaasi in muddo ah yaalay Dekedda Jabouti.
Mulkiilaha Shirkadda China Horn Group C/risaaq Cumaani oo Waaheen ugu waramay maanta markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Berbera ayaa sheegay inay Shixnadii ugu muhiimsanayd qalabkii laga rabay ee madaarka Hargeysa lagu dhisayay ay soo gaadhay Dekedda Berbera.
“ in badan baa la lahaa Madaarkii wax shaqo ahi kama socoto, arrintaas waxba kama jiraan maalintii horaan sheegay in hawsha madaarku tahay mid balaadhan oo soconaysa in muddo ah Qandaraaska aanu haysanaana yahay mid sidaas waafaqsan, ilaa hadda hawshii madaarku way socotaa oo shaqaalaihii waxay ku jiraan banayntii, qorshayntii iyo isku xidhkii hawsha.” Ayuu yidhi
Isagoo faahfaahinaya qalab uu maanta ka soo dajiyay Dekedda Berberana waxa uu yidhi “ jabouti baan ka imi, Doontii qalabku saarnaana waa taa Dekedda taagan ee laga rogayo qalabkii aanu keenay. Waa Qalabkii ugu danbeeyay waxa uu ka kooban yahay Hot Mixer Plan, Paver iyo Laboratory Marshal Test, dhamaan qalabkani waa kuwii hawsha inteeda ugu muhiimsan qabanayay” ayuu yidhi
Waxaanu intas raaciyay isagoo tafaasiil ka bixinaya sida ay Qalabkani ku soo gaadheen maanta Berbera “ Qalabkan waxaanu ka soo Iibinay China, Shirakadd Koontaynarada waaweyn qaada oo Itoobiya u rarta Alaabaha waaweyn ayaa soo qaaday, Jabuuti bay keentay dhawaan, hadana Doon baan Jabuuti ka soo saarnay oo si kale waa loo soo qaadi kari waayay, Doontiina waa taas laga dajinayo maanta” ayuu yidhi
User avatar
ZubeirAwal
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15174
Joined: Sat Mar 19, 2011 1:05 pm
Location: No one feels safe from hypocrisy except the hypocrite.

Re: Somaliland: Cigaal International airport under construct

Post by ZubeirAwal »

They better plant Date palm trees at the entrance.

Damn if it turns out to be the proposed finalized project.

Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”