After their picture now this , sometimes im Asking my self " why faroole is more popular then sheikh dalxiis "Muqdisho (RBC) Xildhibaan Cali C/laahi “Cali Afgooye” oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya marna ahaan jiray wasiir ku xigeenka wasaaradda ciyaaraha DKMG ah ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadalkii madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu ka yiri wada hadalkii madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland kaasoouu ku sheegay inaysan wax dan ah ummadda Soomaaliyeed ka soo bixin kulanka labada nin ee ka dhacay magaalada Dubai.
Xildhibaanka oo galabta wariyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu la yaabay hadalka maanta ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland kaasoo uu sheegay inuu ku soo beegmay xilli ifafaalo dib u heshiisiineed iyo isudhowaansho ay ka dhex muuqato labada dhinac.
“Wax lala yaabo ayay nagu noqotay annagoo og in dhibaato ay ka jirtay Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay haddana lasoo gaaray waqtigii la isu imaan lahaa in masuulka Puntland xukuma uu yiraahdo wax natiijo ah kuma jiraan wada hadalka madaxweynaha DKMG Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland” ayuu yiri xildhibaanka.
Xildhibaan Cali Afgooye wuxuu sheegay in madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu had iyo goor dantiisa ku saleeyo wax kasta oo ku saabsan masiirka Soomaaliya, isla markaana aysanm ahayn wixii ugu horeeyay oo uu diido ama ka hor yimaado.
“Masrka oo guusha ay soo dhowaato oo TFG ay guul ka gaarto arimaha dalka waxaa muuqata in Faroole uu lugta ku dhifanayo, waana nasiib darroo” ayuu yiri Xildhibaanka.
“Waa siyaasad kor ka khaldantay oo mar hore ayaa loo yeelay in madaxweyne maamul goboleed oo aan shaqo ku lahayn siyaasadda guud ee dalka inuu faraha geliyo arimaha dawlada dhexe laakiin waxaanugu baaqayaa madaxda DKMG ah inay dib usaxaan khaladkaasi” ayuu sii raaciyey.
Wuxuu xildhibaanku sheegay in aragtida madaxweyne Farookle aysan ka tarjumeynin rabitaanka shacabka reer Puntland oo uu sheegay inay bud dhig u yihiin nabadda iyo dawladnimada isla markaana xildhibaanada reer Puntland ee ku jira baarlamaanka KMG ah ay muujiyeen inaysan raali ka ahayn sida uu u adhaqmayo C/raxmaan Faroole.
“Hadalka Faroole marna looma aaneyn karo aragtida shacabka ku nool deegaanada waqooyiga bari ee Puntland loo yaqaano oo ah dadkii salka u ahaa dawladaan hadda jirta ee KMG ah” ayuu yiri xildhibaan Cali Afgooye.
Xildhibaan Cali Afgooye wuxuu sheegay in dawlada KMG ah looga baahan yahay inay adkeyso wada xaajoodka ay kula jirto maamulka Somaliland si ugu dambeynta loogu qanciyo in dib loo celiyo midnimadii qaranka Soomaaliyeed.
Wareysi madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole u siiyey idaacadda BBC ayuu ku tilmaamay kulankii Shariif iyo Axmed Siilaanyo inaysan ka soo bixin wax dan ay ugu jirto dadka Soomaaliyeed isagoo dhaliilay qaabka wada hadalada ay u socdaan.
RBC Radio



