
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan dhankeeda
waqooyi ee Puntland ayaa maanta laga furay Warshad ganacsi oo
farsamaysa biyaha kuwaasoo iyagoo sifaysan lagu dhex shubo qaab
warshadaysan caagadaha yaryar oo kala leh qaybo kala duwan.
Warshadan cusub oo dalka laga hir galiyay ayaa waxaa gudaha Puntland
ku soo kordhiyay ganacsato qurba jooga oo ku nool Austaralia iyadoo
baahi weyn loogu qabay warshadan oo kale maadaamaa ay jiraan warshado
kale oo farsameeya biyaha si loo helo tartan ganacsi oo dhex mara
Warshadaha gaarka loo leeyahay.
Munaasabad xariga looga jarayay Warshadan biyaha ee Dhuux ayaa waxaa
ka qayb galay Gudoomiyaha Mudug Max’ed yuusuf jaamac, Gudoomiye Ku
xigeenka 2aad Axmed muuse nuur, Amiir max’ud yuusuf ciise waxgarad iyo
qaybaha warbaahinta ee Mudug.
Qaar ka mida hawl wadeenada Warshada Dhuux ayaa sheegay inay ku tala
jiraan inay bulshada Soomaaliyeed ka kaafiyaan biyaha caagadaha yaryar
ku jira ee sifaysan ayna ugu tala galeen hormarinta dhinaca ganacsiga.
Gudoomiyaha Mudug Max’ed yuusuf jaamac (Tigey) oo xariga ka jaray
Warshada cusub ee biyaha sifaysan ee Dhuux ayaa hadal kooban oo uu ku
aaday xariga jarka warshada waxaa uu ganacsatada iyo qurba joogta ugu
baaqay inay maal gashi ku sameeyaan wuxuuna amaanay qurba joogta
Gaalkacyo ku soo kordhiyay biyo sifaysan isagoo ku booriyay inay sii
laba jibaaraan dadaalkaasi oo uu ku sheegay mid ay dan weyn ugu jirto
bulshada qaybaheeda kala duwan oo hada biyaha sifaysan ee caagadaha
looga keeno meel ka fog Gaalkacyo.
Amiir max’ud yuusuf ciise oo ka mida Isimada Puntland kana qayb galay
munaasabada xariga looga jaray warshada biyaha ee Dhuux ayaa qurba
joogta si weyn ugu booriyay inay ku daydaan ragga hada maal gashiga ku
bilaabay gudaha waxaana uu tilmaamay Gaalkacyo iyo guud ahaan
Puntlandba inay yihiin meel amaan oo ganacsi iyo maal gashi lagu
samayn karo.
Warshadan cusub ee biyaha sifaysa ayaa la oran karaa waa mid si weyn
loogu hamuun qabay xili bulshada Mudug ay horay niyad jab ugu qabeen
biyaha oo qaarkood looga keeno meel ka baxsan Puntland.
Deegaanada Puntland ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa ku soo
badanayay ganacsiga ay soo kordhinayaan qurba joogta iyo dadka hantida
haysta ee gudaha waxaana taasi ay kor u qaadaysaa dhaqaalahaa iyo
Hormarka dhanka ganacsiga ee gudaha.

