
Garoowe:-Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxey hirgalineysaa Manhajka Waxbarashada dadban (Informal Education), waxaana maanta la bilaabey diyaarintiisa, kaas oo ay sameynayaan khubaro aqoon u leh Manaahijta.

Maxamed Cali Faarax Agaasimewaaxeedka Mashaariicda iyo Tababarada ayaa waxa uu sheegey in 18 khubaro ah loo saarey diyaarinta Manhajkan kuwaas oo aqoon durugsan u leh, waxaana uu sheegey in ay hagi doonaan diyaarinta Manhajka 2 aqoonyahan oo Somali ah oo ka yimid dalka dibadiisa, kuwaas oo ku filan hagitaanka Manaahijta iyada oo aan loo bahan doonin ajaaaniib.

Maxamed Cabdiwahaab Axmed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxa uu sheegey in la sameeyay 9 Manhaj oo waxbarashada dadban ah (Informal Education) kuwaas oo ah jaahwareer, balse ay Wasaaraddu go’aansatey in la middeeyo oo hal Manhaj oo tayo leh laga soo saaro.
Waxa uu sheegey in ay ka go’an tahay Wasaarad ahaan in Manhaj loo sameeyo Waxbarashada dadban oo aan la dhayalsan karin oo qeybweyn ka ah kor u qaaida Waxbarashada Puntland.
Marka la dhammeyo Manhajkan ayuu sheegey in la bilaabi doono Manhajka Dugsiyada Hoose oo iyana muhiimad gaar ah leh.
Khubaradan, ayaa waxay ku diyaarinayaan Manhajka Waxbarashada dadban muddo 65 bari ah, waxaana la filayaa in Manhajkan uu noqdo mid si weyn ugu tiirsan Diinta Islaamka, Dhaqanka iyo Wadaniyadda.