Alshabab Claims responsibility for the Church Blast In Kenya

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Alshabab Claims responsibility for the Church Blast In Kenya

Post by Khalid Ali »

Xarakada Al-shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerarro lagu qaaday Kaniisadaha ku yaalla Magaalada Gaarisa
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo ciidamada Kenya kula dagaalamayso deegaanno ka tirsan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarradii lagu dilay 17-ka ruux laguna dhaawacay 50-kale ee ka dhacay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Sheekh Xasan Takar oo ka mid ah mashaa'ikhda Al-shabaab ayaa sheegay inuu weerarkaas ahaa mid ay fuliyeen xoogaggooda ayna ku dileen kuwo caabudyay wax Ilaahay aan ahayn.

"Mujaahidiinta ayaa ku cadaabay gacmahooda kuwii kaniisadaha ku caabduyay wax aan Alle ahayn, waana sii wadi doonnaa howgallada noocan oo kale ah inta aan ka suulinayno dhulka goobaha lagu caabudayo wax aan Alle ahayn," ayuu yiri Sheekh Xasan Takar.

Wadaadkan ayaa ka mid ahaa xubno sannadkii hore ku shiray degmada Baydhabo ee gobolka Bay, kuwaasoo soo saaray in la xoojiyo dagaallada laguja jiro dowladda KMG ah, ciidamada AMISOM iyo kuwa kale ee dalka ku sugan.

Mar uu Sheekh Xasan Takar ka jawaabayay hadal ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku sheegay in weerarkaas uu cambaareynayo ayuu yiri: "C/weli Gaas wuxuu la mid yahay reer galbeedka, wax shuqul ahna kuma lahan diinta Islaamka."

Sheegashadan Al-shabaab ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo ay ku sheegtaan weerarro ka dhaca dalka Kenya, iyadoo dowladda Kenya ay horay ugu eedeysay Al-shabaab inay mas'uul ka tahay weerarrada ka dhaca dalkeeda.

Weerarkii ka dhacay Gaarisa oo isugu jiray mid toos ah iyo bambooyin ayaa ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca dalka Kenya tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.
User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: Alshabab Claims responsibility for the Church Blast In K

Post by tightrope »

AL-SHAYDAN ARE FOCKING MONSTERS :down:
THEY WILL BE RESPONSIBLE FOR THE ATTACKS OF INNOCENT SOMALIS BY KIKUYUS
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”