ما شاء الله
بسم الله الرحمن الرحيم





























General Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaladda Galkacyo, Gen. Qaybdiid ayaa waxaa safarkiisa ku waheliya waxgarad u dhashay Galmudug oo ka kala yimid dibaddaha iyo gudaha, Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo iskugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano iyo qaybaha bulshada oo ay aad oga dhexmuuqday dhalinyardda iyo haweenka Galmudug.
Generaalka ayaa kula hadlay dadweynihii kusoo dhaweeyay garoonka Galkacyo ogana mahadceliyaya soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen,Mahacelinta kadib ayaa General Qaybdiid waxaa loo soo galbiyay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Gaalkacyo.
Musharaxa Galmudug Gen.Cabdi Xasan Qaybdiid ayaa waxa uu safaro ugu maqnaa dibada asagoona kulamo la soo qaatay Waxgaradka Galmudug ee magaladda Muqdisho, Dhalinyarada Galmudug ee Kenya oo casho sharaf soo dhaweyn ah ugu samaysay Generalka magalada Nayrobi ee dalkaasi Kenya, Maalmo kadib ayuu masharax Cabdi Qaybdiid waxaa uu casuumad qado ah u sameeyay jaaliyadda Galmudug ee Kenya oo tiradoodu gaaraysa 300 boqol oo isugu jira waxgarad, Ganacsato, dhalinyaro iyo haween, Waxa kale oo uu Generalku la kulmay beesha caalamka oo ay ugu horayso xafiiska UN-ka, safaaradaha Maraykanka,Talyaaniga,Ingriiska,Norway iyo xafiiska EU, Gen. Qaybdiid ayaa sidoo kale safar howleed ku tagay magaladda Dubai ee Isutaga Imaradka Carabta halkaasoo uu kula kulmay Ganacsato ka kala yimid Somalia, Kenya, Yurub iyo W/amerika.
General Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid ayaa waxa uu olole balaaran ugu jiraa sidii uu kalsooni oga helilahaa Shacabka iyo Golaha dhaqanka Galmudug si uu ugu soo baxo doorshada Waxa uuna ballan qaaday in uu wax ka badalidoono xaalada ay haatan ku jirto Galmudug.
Sikastaba ha ahaatee imaanshayaha Gen. Cabdi Qaybdiid ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Galmudug ayaa ku soo aadaya Xili doorashada guud ee madaxwaynenimada Galmudug ay ka harsantahay waqti aad u gaaban waxaana haatan socota sidii loo soo xulilahaa golaha cusub ee uu yeelanayo sadexda sano ee soo socota baarlamaanka Galmudug
Kala Xiriir
Hobyo Media Network Gaalkacyo iyo Ceelguula, Galmudug, Somalia
E-mail: hobyoradio@hotmail.com ama hobyoradio@gmail.com